“Waxaannu ka samaynay Batalaale saddex boodh oo tilmaamaya halka Qoyska wada socdaa ka dabbaalan karo, Raggu meel ay ka dabbaalan karaan iyo meel Ajanibku..”Isu-duwaha diinta Gobolka Saaxil

Berbera- (Berberanews)- Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Gobolka Saaxil Somaliland ee gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay inay saddex qaybood oo kala duwan u asteeyeen dalxiisayaasha iyo dadka kala duwan ee  dabaasha u taga xeebta Batalaale ee magaalada Berbera.
Sheekh Suleymaan, waxa uu tilmaamay inay saddex qaybood u kala sammeeyeen inay ku kala dabaashaan qoysaska, ajaaibja iyo raggu ku sammeeyeen tabeelooyin loogu kala asteeyey si cidkastaa raaxo ugu dabaalato, “Waxaannu ka samaynay Badda oo ay Dekaddu noo samaysay saddex boodh oo tilmaamaya halka Qoyska wada socdaa ka dabbaalan karo, Raggu meel ay ka dabbaalan karaan iyo meel Qolooyinka Ajanibka ahi ka dabbaalanayaan si qolo waliba meeshooda raaxo iyo amni ugu dabbaashaan. Intaas oo dhan waxaannu ugu mahad-naqaynaa Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayarka Berbera oo noo suuragaliyey dhulkaas oo dhan oo dawladdu bixisay oo meel aannu iibsannay aanay ku jirin. Dhulkaas oo dhamina waa dhul dhammaantii wada qaali ah. Waxaana mahad iska leh Illaahay (SWT) oo arrimahaas dhammaantood noo suuragaliyey.” Ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Gobolka Saaxil Somaliland ee gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo waraysi gaara siiyay xafiiska shebekadda Berberanews  ku leedahay Hargeysa.

Sheek Suleymaan waxa uu xogwaran ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay ee ay ka hirgeliyeen Gobolka Saaxil, waxaannu yidhi, “Mashaariicda noo qabsoomay intii aynu bisha barakaysan ee Ramadaan ku jirnay oo lix ah waxa ka mid ahaa, in Illaahay noo hirgeliyey Machad magiciisa la yidhaahdo Sheekh Cismaan Nuur oo ah Xarun Agoonta lagu tababbarayo. Waxa ka mid ah Masaajid saddex dabaq aannu ugu talagalnay oo qaybtii hoose hadda la marayo oo si fiican dhismihiisu u socdo oo la bilaabay oo qaboojiyayaashiisii iyo wixiisii kale Shirkadi waddo. Waxa kale oo ka mid ah Machad isagana aannu ka dhisayno Xaafadda Burco-Sheekh oo Nin Muxsin ah oo nin reer Kuit ah oo gobolka Saaxil u dhashay soo bixiyey.”
 
 
 
Isu-duwuhu, wax uu ka warramay saldhig bileys oo dhawaan laga hirgeliyay Batalaale, kaasoo uu sheegay mid loo sammeeyey ka hortaga macaasiyo kala duwan oo ka dhaca Xeebta Batalaale , “Waxaannu ugu talagalnay dhinaca Badda iyada oo ay jiraan Macaasi ay had iyo jeer la yimaaddaan dad dhalinyaro ah oo ka yimaadda Gobollada kale ee dalka si aanay wax xumaan ahi uga dhicin ama iyagaba aan alaabtooda looga qaadan oo tuug iyo waxaasi u damaaciyin in halkaa laga sameeyo Saldhig Boolis oo nabadgalyada iyo dhinaca xumaantaba u wanaagsan ilaalintooda, kaasina isla bishii Ramadaan ayuu noo qabsoomay.”
Sheekh Suleymaan waxa uu intaa raaciyay oo yidhi, “Waxaannu Bisha Ramadaan aad ula dagaallannay in meelo Xaaraanta lagu iibiyo bisha Ramadaan laga sameeyo magaalada, waxaannu aad ugu mahad-naqaynaa Taliyaha qaybta Booliska oo Ciidan na siiyey, inkasta oo aanay sannadka Xaaraantu ku badnayn magaalada, haddana meelo bilawgii Ramadaan lagu bilaabay waxaannu ku guulaysannay inaannu joojinno, manaannaan arag meelo badan oo markaa muuqanayey oo Raashin xaaraan ah lagu karinayey bishii Ramadaan.”
 
Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Gobolka Saaxil Somaliland ee gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali, waxa uu gebogebadii warraysiga kaga hadlay waxyaabo u qarshaysan inuu dhawaan hirgeliyo,  “Waxa dhawaan Insha Allaah noo qorshaysan inaannu maalmaha soo socda illaa laba kun oo qoys u soo qaybinno Raashin inta gobolka iyo degmooyinkiisa ku dhaqanna aannu gaadhsiinno haddii Illaahay yidhaahdo Insha Allaahu tacaalaa. Waxaan gobolkana ugu baaqayaa isku duubni iyo inaynu amniga iyo wada jirka wada ilaashanno.”
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com