Kooxaha Hubaysan ee dagaalka Kula jira Puntland oo toogtay Taliyihii daraawiishtaa Mudug

Gaalkacayo-(Berberanews)- xoogaga kooxo hubaysan oo maalintii saddexaad dagaal kula jira ciidammadda maamul-goboleedka Puntland ee magaalada Gaalkacayo, ayaa maanta toogasho ku dilay taliyaha daraawiishta gobolka Mudug Col. Maxmed Muuse Xuseen ( Ilka Dheere).
Marxuum Maxmed Muuse Xuseen xilliga dilka loo geystay waxa weheliyay laba ka mid ah ilaaladiisa oo iyaguna geeriyoodey, ka dib markii uu isagoo gaadhigiisa wata sida la sheegay u tallaabay dhinaca goob ay fadhiisin ka dhigteen malleeshiyaadka ka soo horjeeda Puntland, si uu ugu qanciyo xabad-joojin, balse ay rasaas ku ku fureen kooxdu.

Xaaladda magaalada Gaalkacayo, ayaa maanta deganayd, ka dib dagaal laba maalmood u dhexeeyay kooxo malleeshiyo ah oo  Puntland ku tilmaameen inay yihiin Al-shababaab iyo ciidanka ammaanka ee maamulkaas oo sababay inay ku naf waayaan 15 ruux, kuna dhaawacmeen illaa kontomeeyo qof iyo khasaare ba’an oo goobo ganacsi soo gaadhay, islamarkaana xannibay isu socodkii qaybo ka mid ah Gaalkacayo.
 
Boqollaal qoys oo deganaa goobaha dagaalladu ka dhaceeen, ayaa ka yaacay guryahooda.
 
Berberanews.com
Gaalkacayo, Puntland
Email, info@berberanews.com