Qaddaafi oo Magaalada Sabha uga firxaday Tripoli iyo xarun Rayid lagu Gumaaday oo la helay

Tripoli- (Berberanews/AFP):- Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa saacadihii ugu danbeeyay baahinayay, warar tilmaan ka bixinaya, goobta uu Mucaamar Al-Qadaafi uga jihaystay magaalada Caasimadda dalkaas ee Tripoli oo xoog ay kaga saareen kooxaha mucaaridka ah ee dirirta qadhaadh kula jiray 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

Wakaalada wararka ee Talyaaniga ayaa baahisay xogo iyo warar ay ku tilmaantay kuwo laga helay ilo lagu kalsoon yahay, oo cadayn lagu qanci karo ka siiyay halka uu Qadaafi uga jihaystay magaalada Tripoli markii Mucaaridku qabsaday, waxaanay wakaalada wararka iyo inta badan warbaahinta Talyaanigu farta ku fiiqeen magaalo lagu magacaabo Sabhaa oo dhinaca koonfureed kaga beegan caasimadda dalkaas.

 

Mucaamar Al-Qadaafi ayaa isagu ahaa bar-tilmaameedka loogu goobida badan yahay todobaadkan, waxaana raadcadiisa raq iyo ruux halkuu ku danbeeyay iska kaashanayay ciidamada cirka ee Gaashaan buurta NATO iyo kooxaha mucaaridka dalkaas xiligan ka taliya. Waxaana taa sii xoojiyay markii iska caabintii iyo cududii ciidamadii taageersanaa Qadaafi ay si wayn hoos ugu dhacday ama sida mucaaridka dalkaasi ku doodayaan gabi ahaanba burburtay.

Sida warbaahinta Talyaaniga iyo waliba qaar ka mid ah kuwa reer galbeedku baahinayeen saacadihii la soo dhaafay, Qadaafi ayaa si kama danbays ah uga huleelay caasimadda dalkaas ee Tripoli ka dib markii uu taageero iyo difaac ka waayay ciidamadii daacada u ahaa iyo qabiilada dalkaas oo uu ugu baaqay inay difaacaan caasimadda kana xoreeyaan wuxuu ugu yeedhay jiirka tuuga ah iyo khaayimiinta gumaysiga daba-dhilifka u ah.

 

Telefishanka France 24 ayaa isna sheegay in Qadaafi, labadiisa wiil ee Sayful Islaam Qadaafi iyo Khamiis Qadaafi oo ay weheliyaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsanaa maamulkiisu ay saacadihii ugu danbeeyay ee bishii barakaysnayd ee Ramadaan ka baxeen Tripoli una jihaysteen degaano aad uga durugsan, taas oo sida telefihshanku sheegay meesha ka saaraysa, tuhunkii laga qabay in ay gaboodsadaan magaalada uu ka soo jeedo Qadaafi ee Sirta, hasa yeeshee Tv-gu faah faahin dheeraad ah kamuu bixin xaaladaha hogaamiyahaa firxadka ahii xaqiiqo ahaan ku sugan yahay.

Wararka goobta Qadaafi afka saaray ee uu uga jihaystay Tripoli ee warbaahinta reer Galbeedku isla dhex marayeen saacadihii aynu ka soo gudubnay ayaa ku soo beegmay xili Mucaaridka dalkaas ee qabsaday caasimadda Tripoli ay shalay heleen, bakhaar dadka lagu birayn jiray oo ku yaala Tripoli kaas oo laga helay 50-qof oo ciidamadii Qadaafi daacada u ahaa dileen, ka hor intii aanay magaalada ka bixin, dadkan ayaa maydadkooda ay ka muuqatay jidh dil loo gaystay, ka hor intaan rasaas ooda lagaga qaadin, in badan oo ka mid ah maydadkaas la helay ayaa gacmaha iyo lugahaba ka katiinadaysnaa.

Kooxaha mucaaridka Libya ayaa mar sii horaysay shaaciyay in gulufkii Qadaafi talada lagaga tuuray ee lixda bilood ka socday dalkaas lagu dilay 50-kun oo Rayid ah, kuwaas oo si badheedh ah ay ciidamadii Qadaafi ka amar qaadanayay u laayeen, waxa kale oo ay sheegeen in tirooyinkaa ay ku jiraan, dad xabsiyada lagu ogaa, balse raq iyo ruux la waayay meel ay ku danbeeyeen iyo kuwo hadh cad ciidamadu ka kaxaysteen guryahooda oo aan la garanayn meesha la geeyay ee ay ku sugan yihiin

 

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com