Qadaafi Oo Fariin Coda Reer Sirta Kaga Codsaday in aanay is-dhiibin iyo wasiirkiisi arrimaha dibadda oo la qabtay

Tripoli, (Berberanews/W/Wararka):- Hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar Al-Qadaafi ayaa mar kale soo diray fariin cod ah oo cusub, taas oo dhamaanteed ku jihaysnayd dadka ku dhaqan magaalada uu ku dhashay ee Sirta oo ah halka kaliya ee aanay mucaaridka dalkaasi wali gacanta ku dhigin.

Sida idaacada BBC-da qaybteeda dibadaha la hadashaa ku warantay, Col: Qadaafi ayaa shacbiga reer Sirta ka codsaday in aanay isku dhiibin mucaaridka oo ay magaaladooda difaacdaan, kana ilaashadaan cadowga iyo kuwa u adeegaya. Sida BBC-du sheegtayna fariintaas codka ah ee Qadaafi waxay dhamaanteed ku jihaysnayd magaalada Sirta iyo dadka ku dhaqan.

Fariintan Qadaafi oo aan sidii looga bartay xambaarsanayn waxyaabo badan oo faan ah, lama aqoonsan meesha uu rasmi ahaan ka soo diray ee uu ku sugan yahay, hasa yeeshee waxa loo fasirtay inay tahay mid muujinaysa sida talada dalka Libya iyo hogaamintiisu faraha Qadaafi uga baxday.

 

Dhinaca kale golaha ku-meel gaadhka qaranka Libya ee caasimadda dalkaas, gacanta ku haya ayaa maalintii Maanta shaaca ka qaaday inay qabteen wasiirkii arrimaha dibadda ee xukuumaddii Qadaafi, oo lagu magacaabo Cabdi Caadil Al-Cabuudi, kaas oo sida la sheegay laga qabtay galbeedka magaalada Tripoli.

Xaaladaha dalka Libya ayaa si deg deg ah isku bad-badalayay maalmihii ugu danbaysay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in golaha ku-meel gaadhka Qaranka ee dalkaasi wada hadalo la wadaan qabiilooyinka ku dhaqan magaalada Sirta oo ay doonayaan inay is-dhiibaan si aan dagaal cusub iyo dhiig danbe oo daataa uga dhicin Libya.

Magaalada Sirta ayaa sida la sheegay ay ku yaalaan saldhigyo iyo xarumo muhiin ah oo wali taageerayaasha Qadaafi gacanta ku hayaan, ciidamadda dagaal yahaniinta Golaha ku-meel gaadhka ah ee dalka Libya ayaa magaaladaa u jira masaafo dhan 120-km, waxaanay ka dhur sugayaan natiijooyinka ka soo baxa wada hadalada lagu jiro, hogaamiyayaasha qabiilka ee degaankaas.