Nin Adeer u ah Madaxweyne Obama Oo Booliska Maraykanku Qabtay isagoo Sakhraansan

Massachusetts, (Berberanews.com):- Maamulka gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyay in la qabtay nin waayeel ah oo adeer u ah madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, kaas oo xiliga boolisku qabteen sarkhaansanaa gaadhina watay. Odaygan oo lagu magacaabo Onayngo Obama oo da’diisa lagu sheegay 67-jir, waxa uu xaga aabo kala walaal ahaa Madaxweyne Obama Aabihii Xuseen Obama, dhalashadiisuna waxay ka soo jeedaa dalka Kenya.

Booliska Magaaladda Boston ayaa gaadhigii uu watay ka qabtay meel duleedka magaalada Boston ah, xiligaas oo ay ka shakiyeen sida xaaladiisu ahayd, ka dibna markii ay baadheen heerka Alcohol-ka jidhkiisa ku jira ay ogaadeen in heerkeedu sareeyo oo aanu baabuur wadi karin.

 

Haweenay u hadashay ciidamadda nabad galyada wadooyinka ee deegaankaas oo lagu magacaabo Cara O’Brien, ayaa sheegtay in Onyango Obama uu galay laba danbi ayna doonayaan in maxkamad la hor geeyo dhawaan, danbiyada ay ku eedaysay waxa ka mid ah inuu gaadhi kaxaystay isagoo aad u sakhraansan, taas oo meel ka dhac ku ah nidaamka wado marista dalka Maraykanka, waxa kale oo ay sheegtay in uu u hogaansami waayay amarkii ciidamada taraafikada oo muddo la baacsanayay, balse uu istaagay markii gaadhiga boolisku wateen ku sigtay inuu duqeeyo gaadhigiisa.

Ninkan odayga ah ee Obama adeerka u ah ayaa eedaymahaa dafiray. Waxa kale oo uu codsaday intii uu xabsiga ku jiray in loola hadlo wiilka uu adeerka u yahay “Madaxweyne Obama” si damaanad loogu sii daayo, laakiin arrintaa waxa ka diiday ciidamadda oo sheegay in aanu dalka sharciyad buuxda ku joogin, sidaa awgeedna arrintiisu la xidhiidho laanta socdaalka ee dalka Maraykanka, taas oo markii lala socodsiiyay falka uu ku talaabsaday taraafikada ugu soo jawaabtay inay diyaarinayaan sidii dalka looga Mastaafurin lahaa, sida ay ku warantay idaacadda BBC-du.

Faysal Maxamed Xasan