Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aljeeriya oo Xaqiijisay in Xaaskii iyo Xubno Ka Mid ah Caruurta Qadaafi Dalkeeda Gaadheen Maanta

Algiers, (Berberanews): Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Aljeeriya ayaa warsaxaafadeed maanta ka soo baxay lagu xaqiijiyay in xaaskii Qadaafi iyo xubno caruurtiisi ka mid ahii dalkaas galeen iyagoo ka soo gudbay xuduuda u dhaxaysa labada dal, subaxnimadii hore ee saaka
 
Sida bayaanka wasaarada arrimaha dibadda ee Aljeeriya lagu sheegay xubnaha qoyska Qadaafi ee dalkeeda soo galay ayaa ka kooban, xaaskiisi Safiya, gabadha kaliya ee uu dhalay Caa’isha Qadaafi iyo laba wiil oo kala ah Maxamed Qadaafi iyo Hanibal Qadaafi.
 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Aljeeriya waxa kale oo ay war-muurtiyeedkadan ku sheegtay in markii xubnaha qoyska Qadaafi soo gaadheen dalkeeda oo ahayd 8:45 subaxnimo, lagu wargaliyay imaatinkooda Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Bankin Mon, Xoghayaha arrimaha ammaanka ee Golaha ku-meel gaadhka Qaranka Libya Maxamuud Jibriil iyo hogaamiyaha golaha ku-meel gaadhka qaranka Libya (TNC) Mustafe Cabdi Jaliil oo ku sugan magaalooyinka Bangazi iyo New York.
 
Dawlada Aljeeriya ayaa maalintii axadii si adag u beenisay in xubno ka tirsan qoyska Reer Qadaafi dalkeeda firxad ku soo galeen, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumaddii Mucaamar Al Qadaafi iyo Qoyskiisa oo isaga laftiisu ku jiraa ay u gudbeen dhinaca dalka Aljeeriya.
 
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Aljeeriya oo lagu magacaabo Camaar Balani oo la hadlay wakaalada wararka ee dalkaas ayaa sheegay in Aljeeriya tan iyo markii kacdoonka Libya bilaabmay ay indhaha caalamku ku soo jeedeen, sababtuna tahay been abuur laga sameeyay iyo warar sheegayay in Aljeeriya taageerto hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar Al Qadaafi, hasa yeeshee dhamaan hadaladaasi been iyo waxba kama jiraan yihiin.
 
Mucaaridka Libya ayaa tan iyo intii ay soo galeen caasimadda dalkaas ee Tripoli ku doodayay in Qadaafi, Qoyskiisi iyo masuuliyiin sar sare oo xukuumaddiisi ka tirsani u firxadeen dalka Aljeeriya, sidoo kale kooxo ka tirsan mucaaridka oo ku sugan magaalo xuduuda labada dal ku taal ayaa warbaahinta u sheegay in lix gaadhi oo Marshaandiis noocoodu yahay oo saraakiil sar sare oo maamulkii Qadaafi ka tirsani u gudbeen maalintii axadii dhinaca Aljeeriya.
 
Hogaamiyihii Libya Col: Qadaafi ayaan ilaa wali la ogayn meesha uu ku sugan yahay isaga iyo wiilkiisa aadka loo raadinayo ee Sayf Al Qadaafi. Waxaanay mucaaridka dalkaas ee hogaanka qabsaday dalbanayaan in loo soo gacan galiyo, halka cidii macluumaad ka keentana ay u balan qaadeen Abaal Marin gaadhaysa 1.6 Milyan oo dollar
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com