Guddiga ilaalinta Suxufiyiinta Adduunka oo Madaxweyne Siilaanyo u soo diray qoraal rasmi ah oo ay kaga hadlayaan Cabbudhinta Warbaahinta xorta ah

New York, 26 August, 2011 (Berberanews.com):- Guddiga daryeelka iyo ilaalinta Suxufiyiinta Adduunka ee magacooda Luuqadda qalaad lagu yidhaahdo (The Committee to Protect Journalists) oo loo soo gaabiyo CPJ, ayaa walaac weyn ka muujiyay dacwado xidhiidh ah oo masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ka gudbiyeen Hay’ado ka mid ah Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka, taas oo u muuqata  cabbudhin lagula kacayo Warbaahinta xorta ah.
Warqad uu ku saxeexan yahay Xog-haya guud ee Ururkaas Joel Simon oo si toos ah ugu socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayuu ururka (CPJ) kaga codsaday xafiiska Madaxweynuhu inuu baadhitaan deg deg ah ka sameeyo soona dhex galo, dacwadaha iyo maxkamadaynta ka dhanka ah saxaafadda oo ujeedadoodu tahay sidii loo aamusiin lahaa warbaahinta.
 
Ururka daryeelka suxafiyiinta aduunka (CPJ) oo Xaruntiisa guud ku taallo magaalada New York ee dalka Maraykanka, waxa kale oo ay qoraalkooda kaga hadleen Masuuliyiinta dacwaynaya saxaafada oo dhamaantood ka cadhooday eedo musuq maasuq la xidhiidha oo warbaahintu ka qortay, xaqna loogu lahaa in ay jawaab ka bixiyaan haddii aanay jirina cadaymo keenaan, balse taa badalkeedi ay isticmaalayaan caddaaladda oo Maxkamaddaha iyo awoodii dawladnimo adeegsanayaan. Sida ururka CPJ ku sheegay qoraalkiisa waxa muuqda iskaashi xoog leh oo ka dhexeeya Masuuliyiin ka tirsan xukuumada iyo rag ganacsato ah oo dacwadaha Maxkamaddaha dabada ka riixaya.
 
Ururka daryeelka Suxufiyiinta aduunka ee (CPJ) ayaa qoraalkoodan ku socda Madaxweynaha Somaliland kaga dalbaday inuu ka dhabeeyo balan qaadyadii wakhtigii ololaha uu ku jiray, oo aan ilaa wali muuqan inay fulayaan, haddii deg deg aan loo meel marina ay bar madow ku noqon doonto doorashadii quruxda badnayd ee Somaliland ka dhacday sanadkii hore oo lagu tilmaamay mid ugub ku ah qaaradda afrika marka laga eego sidii xorta iyo xalaasha ahayd ee ay u dhacday. 
 
Ururka daryeelka suxufiyiinta dunidu ayaa canbaareeyay albaabada laga xidhanayo saxaafada qaarkeed marka masuuliyiinta xukuumadu shirarka jaraa’id qabanayaan. Haddaba qoraalkaas oo ku qornaa Luuqadda Ingiriisada, ayaa markii aannu soo turjunay waxa uu nuxur ahaan u dhignaa sidan:-
 
 
“Mudane Madaxweyne qoraalkayagan aannu halkan kuugu soo gudbinaynaa waa mid aanu kuugu Muujinayno werwerka qotada dheer ee aannu ka qabno ashkatooyinka iyo eedaymaha danbi ee Xafiisyada Xukuumaddaadu u gudbinayaan Maxkamaddaha dalka, oo ah kuwo ka dhanka ah saxaafadda laguna aamusiinayo saaxafadda madaxa banaan ee Somaliland.
 
Muddo sannad gudihii ah ayaa masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan iyo Ganacsato ay caddahay inay xidhiidh leeyihiin Maxkamadaha u gudbiyeen dacwado ka dhan ah saddex Wargeys oo madax-bannaan oo ka soo baxa Hargeysa.
 
 
Sidoo kale, eedaymaha iyo dacwadaha ka dhanka ah Wargeysyada ee Maxkamaduhu oogayaan iyagoo ka wakiil ah Masuuliyiinta Xukuumaddu waxay ballan fur iyo waxba kama jiraan ka dhigaysaa ololihii Xukuumaddu ku gashay doorashadii lagu soo doortay ee xorriyada Saxaafadda iyo furfurnaanta xorriyadda hadalka.
 
 
Arrintii ugu danbaysayna waxay ahayd saddex eedaymood oo is huwan oo Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Madaxtooyada iyo waliba Maareeyaha Dekadda Berbera ka gudbiyeen Wargeyska shanta maalmood soo baxa ee HargeisaStar.
 
Waxaanay masuuliyiintaasi ku dacwaynayaan wargeyskaasi inuu ka been abuurtay oo fadeexado iyo warar aan jirin ka qoray, taas oo sababtay in maxkamadda gobolku yeedhmo eedaysane u qortay, Guddoomiyaha wargeyska, Tifaftiraha wakhtigan Siciid Guraase iyo Tifaftirihii hore Xasan Maxamed Yuusuf. Dacwadaha ka dhanka ah wargeyskan ee ay dabada ka riixayaan wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan iyo Maareeyaha Dekadda Berbera ayaa la xidhiidha maqaal la xidhiidha lunsi lacageed oo si aan sharci ahayn loo kala qaatay, taas oo uu wargeysku wax ka qoray sida CPJ ay u cadeeyeen suxufiyiin dalka ku sugani.
 
 
Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa isna oogay dacwad ka dhan ah wargeyskaas, taas oo la xidhiidha qoraal uu wargeysku kaga hadlay xidhiidh dhex maray wiil uu sodog u yahay madaxweynuhu oo la xidhiidha shirkado iyo heshiisyo ganacsi, taas oo wargeysku baahiyay sida guddoomiyahoodu sheegay bishii August, balse wasiirku ku eedayay inay jabsadeen emai-kii wasaaradda, arrintaas oo guddoomiyaha Hargeysa Star uu CPJ ururka suxufiyiinta dunidda u sheegay in ilo qarsoodi ah ay ka heleen warkaas balse aanu ahayn mid ku lug leh xatooyo email.
 
 
Bishii March ayuu wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi isna dacwad ka dhan ah wargeyska Saxafi ku oogay, waxaanay eedaymaha uu wasiirku u haysto wargeyska la xidhiidhaan qoraal December 2010 wargeysku kaga hadlay mad-madow galay lacag toban milyan lagu qiyaasay oo xukuumadda Kuwait dayac-tir iyo dib u dhis kaga fulinayso madaaradda Berbera iyo Hargeysa, arrintaas oo wasiirku ka cadhooday, waxaanu kiiskaasi yahay xiligan mid rafcaan ku maqan sida wararka gudaha laga helayaa u cadeeyeen CPJ.
 
 
Bishii Janaury ee sannadkan waxay maxkamadda gobolka Hargeysa saddex sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Tifaftiraha wargeyska maalinlaha ah ee Waaheen Mohamud Abdi Jama (Xuuto) kaas oo eedaymaha maxkamaddu u cuskatay ay la xidhiidheen ceebayn iyo warar been ah oo uu ka qoray xukuumadda gaar ahaan Agaasimaha wakaaladda korontada Hargeysa, talabadaas oo u muuqatay mid culus, waxay ku dhamaatay markii codsiyo badan oo ku soo gaadhay awgood aad cafis madaxweyne lagu sii daayay, taas oo muujinaysa sida eedaymo iyo xadhig loogu adeegsanayo saxaafada.
 
 
Iyadoo xukuumadda iyo masuuliyiinteedu ku doodayaan in madax banaanida warbaahintu ka go’an tahay ayaa haddana waxa wali jira in aanay ogolayn in ruqsad la siiyo Idaacado FM ah iyo kuwo kale oo madax banaan, si loo fuliyo balan qaadkii ololaha doorashada lagu galay ee lagu ogolaanayay idaacado madax banaan.
 
 
Mudane Madaxweyne ballan-qaadyadii doorashadii sannadkii hore dhacday aad ku gashay waxa ugu muhiimsanaa horumarinta Warbaahinta iyo madax-bannaanidooda oo aad dhawrayso taas oo hab qoraal ah aad ku soo bandhigtay, waanad la socotaa in doorashadaasi ahayd mid xor iyo xalaal ah oo amaan wayn caalamka ka heshay loona gartay inay ahayd tii ugu wacnayd ee gobolka iyo guud ahaan qaarada Afrika ka dhacday, balse waxa muuqda astaamo muujinaya in mad-madow hadheeyay fulinta balan qaadkaas.
 
 
Ugu danbayntii Mudane Madaxweyne ururka daryeelka Suxufiyiinta Aduunku wuxuu kugu boorinayaa in xafiiskaagu sameeyo baadhitaan la xidhiidha, dacwadahan iyo maxkamaddaynta ka dhanka ah saxaafadda madaxa banaan, isla markaana aad kaga dhabayso fulinta balan qaadkaagii ololaha doorashadda aad ku gashay ee sugida sharciga iyo horumarinta xoriyadda warbaahinta xorta ah, si himilada Somaliland guul u gaadho.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com