“Xabbad wax ka weyn baa maanta ka jirta Muqdisho, dadka gaajo ayaa heysa..” Fanaanka caanka K’naan Warsame

Muqdisho-(Berberanews)- Heesaaha caanka Soomaaliyeed , K’naan Warsame, ayaa maanta booqasho tegey magaalada Muqdisho si uu indhihiisa ugu arko dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee deriska la noqday  macaluusha iyo dagaallada.

“Dhib badan ayaan soo arkay, wadanku sidii aan  kaga tagay ma aha, inkastoo markii aan ka tagayay xabad iyo dhibaato ay jirtay, xabad wax ka weyn ayaa maanta jirta, dadka gaajo ayaa heyso”sidaa waxa Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay fannaanka caanka Soomaaliyeed, Keynaan oo maanta booqday magaalada Muqdisho.
 
 
Keynaan waxa uu booqasho ku tegay cisbitaalka Banaadir iyo xerooyin dad barakacayaal ahi ay ku jireen, kuwaasoo uu tilmaamay in dhibaato aad u daran ay ka muuqatay.
 
“Xaaladdu  ma sahlana, Isbitaaladu aad bey u buux dhaafiyeen arrintan aad iyo aad ayay ii taabatay waxaa maanta soo arkay”ayuu intaa ku sii daray Keynaan.
 
“Kuwani waa dadkeygii, wax sahlan ma ahn, sida dadka Telefishinka ka fiirsanayay ma ihi, dadkaagi markaad arkeysid, adigaa is arkaya, cunuga markaan eegayo  indhihiisa ayaan iska dhex arkaa”ayuu yidhi Keynaan oo muujinayay sida dhibaatada abaaraha iyo macaluushu u saammeeyeen dadka Somalia.
 
Fannaanku waxa uu ballanqaaday inuu dhigi doono bandhig-faneedyo uu dhaqaale ugu ururinayo dadka dhibaataysan, “Waxaan ku talo jiraa wixii aan sameyn karo inaan sameeyo, magaceygaxataa inaan u isticmaalo inaan muujiyo arrintan oo aan aduunka tuso”
 
Berberanews.com
Muqdisho, Somalia
Email, info’berberanews.com