Nin Hubaysan Oo Xalay Dhaawacay Maayarka Degmada Qoryaale Ee Gobolka Togdheer

Togdheer-(Berberanews)- Nin ku hubaysan, ayaa xalay dhaawacay maayarka degmada Qoryaale oo ka tirsan Gobolka Togdheer, ka dib markii uu xabad kaga dhuftay bawdada.
Wararka naga soo gaadhay magaalada Burco, ayaa noo xaqiijiyay in dhaawaca Maayarka Qoryaale Bille Jaamac Muuse la soo gaadhsiiyay cisbitaalka Burco oo lagu dawaynayo.

Ma jirto cid si rasmiya uga hadashay dhacada ninka hubaysani ku dhaawacay maayarka, balse waxa jira warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhexgalay maayarka iyo ninkan oo haatan ku jira gacanta ciidanka booliska oo baadhitaan ku haya dhacdadan.
 
Degmada Qoryaale oo dhinaca bari 40km ka xigta magaalada Burco waxay ka mid ahayd degmooyinkii ugu danbeeyay ee xukuummaddii Rayaale u magacawday degmo.
 
Berberanews.com
Togdheer
Email, info@berberanews.com