Diyaaradaha Dagaalka Ee Turkiga Oo 60 Weerar ku Qaaday Kooxaha Kurdiyiinta Dagaalka Kula Jira

Istanbul, (Berberanews/AP):- Taliska Sare ee Ciidamadda Cirka dalka Turkiga ayaa war-muurtiyeed ay maanta oo khamiis ah soo saareen ku sheegay in diyaaradah dagaalka ee dalkoodu ay fuliyeen weeraro ka dhan ah kooxda dagaalka kala soo horjeeda ee PKK xarumahooda ay ku leeyihiin waqooyiga dalka Ciraaq.

Ciidamadda cirka ee Turkiga ayaa intaa ku daray in 60- weerar ay fuliyeen diyaaradahoodu kuna duqeeyeen tobanaan goobood halka madaafiicda dhulkana lagu bartilmaameedsaday in ka badan 186-goobood oo lagu tuhmayo inay gaboodsanayaan kooxaha Kurdiyiinta ee la dagaalama dalkaas.
 
Weeraradan ayaa ka dhashay hawl galo kooxaha kurdiyiintu ka fuliyeen dhawaan koonfurta dalka Turkiga, halkaas oo ay tobanaan ka tirsan ciidamadda milatariga dalkaas iyo ku ammaanka ku dileen, weeraradaas oo xukuumadda Turkiguna ka cadhootay.
 
Kooxda PKK waxay dagaal kula jirtaa ciidamadda Turkiga muddo dheer hasa yeeshe waxay dad badani raajaynayeen in sanadihii u danbeeyay dagaaladaasi soo af-jarmayaan ka dib markii hogaanka dalkaas ee xisbiga caddaaladda iyo horumarku uu ku talaabsaday is badalo badan oo u muuqday in loogu tanaasulay dadka Kurdiyiinta dalkaas oo dagaalkoodu ku salaysnaa sida in loo ogolaaday barashada afkooda ee dugsiyada, lagana dhigay luuqadaha rasmi ahaan lagaga hadlo dalka Turkiga.