Maxkamadda Qaramada Midoobay ee baadhista dilkii Rafiiq Xariiri Oo Soo Saartay Natiijadda Cidii Ka Danbaysay iyo Jawaabta xisbullaah

Lubnnaan-(Berberanews)-Maxkamadda Qaramadda midoobay u saartay baadhista Dilkii lagu khaarajiyay raysal wasaarihii hore ee dalka Lubnaan, Rafiiq Xariiri oo gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray badhtamaha Magaaladda Bayruud sanadii 2005-tii, ayaa soo saartay eedaymo ka dhan ah afar xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullaahi ee ka jira dalkaas.
 
War-muurtiyeed maalintii arbacadii ee shalay ay Maxkamaddu soo saartay ayaa muujinaya in ilaa afar qof oo loo tuhunsan yahay inay lug ku lahaayeen dilkaas, la soo qabto si loo fuliyo shuruucda maxkamadda ka dibna danbiyada lagu eedaynayo lagu soo oogo.
 
Afartan xubnood ee lagu magaca dhabay samanka soo qabashada ee Maxkamadu soo saartay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay sida samanka Maxkamaddu sheegayo Mustafa Amine Badreddine, Salim Jamil Ayyash, Hussein Hassan Oneissi iyo Assad Hassan Sabra, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan ururka Xisbullaah.
 
Qoraaladda sirta ah ee Maxkamadda ayaa lagu muujiyay, telefoono iyo tas-hiilaad kale oo dadka la tuhunsan yahay u isticmaaleen fulinta dilkii Xariiri oo sidoo kale ay ku dhinteen 21-qof oo kale. Eedaha Maxkamada ee xubnahan waxa kale oo ku jira, astaamo muujinaya in kooxdan Ayyah oo isku xidhani ay muddo ku daba taagnaayeen Raysal was are Xariiri ka hor intii aanay dilkiisa fulin, meelo badan iyo munaasibado badana ku daba jireen.
 
Waxyaabaha maxkamadu eedaheeda u daliishanayso waxa ka mid ah cajalad qaar ka mid ah eedaysanayaashu u dhiibeen telefishanka Aljazeera iyo wakaaladda wararka ee reuters oo muujinaya xubno xag jir ah oo ku hanjabaya inay weeraro is miidaamin ah ay qaadi doonaan.
 
Baadhitaanka maxkamadda qaramadda midoobay u saartay baadhista dilkii Rafiiq Xariiri oo muddo dheer badhitaan ku jirtay, ayaa badka keentay tuhuno iyo arrimo badan oo daliil u noqon kara dilkaas iyo cida fulisay, waxa kale oo maxkamaddu daaha ka rogtay tuhun muddo la hadal hayay isla markaana farta lagu fiiqayay kooxda Xisbullaah.
 
Hogaamiyaha Xisbullaah Xasan Nasrullah ayaa markii qararkan iyo samanka maxkamaddu soo baxay ku tilmaamay mid been abuur iyo tuhuno aan sal lahayn ku qotoma, fidno iyo dhibaatana la doonayo in lagu galiyo dalka Lubnaan. Wuxuu ka gaabsaday inay u hogaansami doonaan go’aankaas.
 
Dhinaca kale wiilka uu dhalay Xariiri ee lagu magacaabo Sacad Xariiri oo hogaamiya kooxda 14-ka March ayaa ugu baaqay xisbullaah inay ka qayb qaadato dhamaystirka dacwada oo ay gacan ku siiso maxkamadda soo qabashada iyo caddaaladda sidii loo hor keeni lahaa eedaysanayashaa.
 
Isku soo wada duubo maxkamada dilkii Xariiri qaramada midoobay u saartay ayaa u muuqata mid kala qaybsanaan ka dhalisay dalkaas, lamana hubo sida ay wax uga hir gali doonaan iyo waxa ay ku danbayn doonto, marka loo eego dhinacyada dalkaas siyaasadiisa ku loolama oo awalba kala qaysanaa, dhismaha iyo qaabka loo maray Maxkamaddana ku kala tagsanaa.
 
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com