Xildhibaan Duur oo ka dayriyey dhibaatooyinka ay Qabyaaladdu ku hayso Siyaasadda Somaliland

Md. Duur muxuu ka yidhi caqabadaha ka horyimi markuu doorashada u orday? “Anigu 40 jir baan ahaa markaan doorashada Wakiillada u tartamaayey, haddana hal-ku-dhegga la igula dagaallamayey waxa uu ahaa Inanka yar qabta, Inanka yar wax u sheega, Ninka ka reeba…….”

“Hoggaanka Siyaasadeed ee dalku wuxu ka dhashaa hoggaanka Qabiiliga ah, siyaasadduna waxay ku salaysan tahay saami-qaybsi beeleed, dhibaatada ugu weynina…….” Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur)

Hargeysa(Berberanews/Ogaal)- Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Qoob-weynta ama Ruug-caddaaga Siyaasiyiinta dalku ku dhuuntaan Dadabta Qabiilka, isla markaana hoggaanka siyaasadda Somaliland ka dhasho hoggaanka Qabiilka, sidoo kalena ay ku salaysan tahay saami-qaybgisa beelaha.

Md. Duur, waxa uu sheegay in caqabadaha Dhalinyarada reer Somaliland ka haysata ka qaybgalka talada iyo hoggaaminta dalka aanay ahayn kaliya kuwo sharci, hase ahaatee, ay jiraan dhibaatooyin Qabiil oo Haweenka iyo Dhalinyarta si weyn u saameeyey.

“Sharcigu waa caqabad caqabadaha ka mid ah, laakiin Dhalinyaradu waxay u baahan tahay in iyaga laftigoodu kalsooni iyo isku duubnaan ay keenaan. Haweenku way tijiyaabiyeen siyaasadda, waana cududda ugu ballaadhan Somaliland ee codbixin doorasho haddana way ku wiiqmeen, wiiqankii ay ku wiiqmeen waxay ku codsadeen Haweenku inay yidhaahdaan ka qaybgali mayno doorasho ee Kooto hanala siiyo, waayo? Cod bay ku waayeen doorashadii, taana waxa keenay Haweenka laftoodii way qaybsameen (wakhtigii doorashada). Dhallinyaraduna wali may tijaabin, waxaan ka baqayaa inaad qaybsan taan sidii Haweenku u qaybsamay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo shalay hadal ka jeediyey kulan lagu xusayey maalinta Dhalinyarada Adduunka oo Dallada Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO ku qabatay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Duur, waxa uu ka sheekeeyey dhibaatooyin ka horyimi Haweenka reer Somaliland ee tijaabiyey inay siyaasadda u tartamaan oo uu xusay inay kaw ka tahay arrinta Qabiilka oo Dumarka si weyn u qaybisay wakhtiyadii doorashooyinka Somaliland la bilaabay. Sidaa daraaddeed, waxa uu Dhalinyarada u soo jeediyey inay ka gaashaantaan qaybqaybinta Qabiilka, sidoo kalena ogaadaan in dhibaatada Xeerka Sharci-dejinta ku xidhan ka weyni tahay ta Beela iyo Qabiilka. Sidoo kale, Xildhibaanku waxa uu ka sheekeeyey caqabadihii isaga ka horyimi wakhtigii uu u tartamayey doorashadii 2005 lagu soo doortay 82-ka Mudane ee Wakiillada oo uu ka mid yahay.

Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Caqabadda Xeer L: 20 ee doorashada Golayaasha deegaanku kuma xidhna in Dastoorka wax laga beddalo, waxaannu idiin ballan-qaadaynaa intayada (Xildhibaannada) halkan jooga iyo intii na aqbalaysaaba inaannu da’da yarayno waa intaad naga codsateene. Annagu da’da waannu idiin yaraynaynaa, laakiin caqabadda Dhalinyarada hortaagani waxa weeye waa inay gartaan dhibtu halka ay ka jirto.” “Dadka (Reer Somaliland) Qabyaalad baa haysata, halka ay ku dhuuntaan Qoob-waynta Siyaasadeedna waa Qabyaaladda. Haddaannu Berri Durbaanka Qabyaaladda Dhalinyarada ugu dhufanno oo aad qaybsantaan sidii Haweenku u qaybsamay waa ku jabaysaan Siyaasadda. Dabadeedna idinka oo farihii ummadda ah ayaa odhan doontaan Dhalinyarada kooto halla siiyo. Markaa, intayada waannu idiin ballan-qaadaynaa, laakiin Cudurku intan wuu ka weyn yahay.”

Xildhibaan Duur mar uu ka hadlayey sida ay isugu tiirsan yihiin siyaasadda Somaliland iyo Qabyaaladdu waxa uu yidhi; “Hoggaanka Siyaasadeed ee dalku wuxu ka dhashaa hoggaanka Qabiiliga ah, siyaasadduna waxay ku salaysan tahay saami-qaybsi beeleed. Anigu 40 jir baan ahaa markaan doorashada Wakiillada u tartamaayey, haddana hal-ku-dhegga la igula dagaallamayey waxa uu ahaa Inanka yar, Inanka yar qabta, Inanka yar jog dhaha, Inanka yar wax u sheega, Inanka yar Ninka ka reeba, hal-ku-dhegga siyaasadeed ee la igu haystay kaas ayuu ahaa. Waa maxay da’da ii dhimi afartan jir baan xil ku doontay haddana khatar baan galaye? Markaa, waa inaynu ogaannaa khatarta ku waageerani inay ka ballaadhan tahay Xeerka oo la beddalo. Xeerka waa idiin beddalaynaa, ee inta naftiinna ku xidhan beddala, Illaahay qolo ma beddalo illaa ay iyagu naftooda beddalaan.”

 Xigasho Wargeysa Ogaal.