Madaxtooyada oo Shaaca ka qaadday in Buurmadaw Yahay eedaysane Dawcadi u taal Xeer-ilaalinta

Hargeysa(Berberanews.com)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u yahay eedaysane, isla markaana dacwaddiisu taallo Xeer-ilaalinta dalka.

Madaxtooyadu waxay jawaabo kulul ka bixisay hadallo eedaymo, dhalliil iyo aflagaaddooyin isugu jira oo Buurmadaw marar kala duwan u jeediyey Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa. Haddaba intaynaan gudagelin jawaabta Madaxtooyada, aynu ku horreyno hadalladii ugu dambeeyey ee ka soo yeedhay Buurmadaw oo caawa u warramay Horn Cable TV. “Madaxweynaha iyo Wefti u hoggaaminayo waxa laga celiyay dalka Shiinaha oo arrintaasi waa arrin cad oo aan ummadda lagala tashan oo ay maalin walba been u sheegaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanan leeyahay arrintaa wax ka masuul ah Ragga uu Madaxweynuhu talada ka qaadanayo.” Sidaa ayuu yidhi Cismaan Buurmadaw.

Cismaan Buurmadaw oo wax laga weydiiyay  sababta Madaxweynaha looga celiyay dalka Shiinaha, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Adeer anigu waxaan sitay fiise sharciya casuumad rasmiya, laakiin Madaxweynaha dadkii maamulayay ayaan siyaasadda khibrad u lahayn, dad aan dublamasiyadda aan wax aqoon ah u lahayn ah. Dee meel cidla ah ayaa la iskaga tuuray isaga halka ay kuwa kale siteen Basaboor ajanib ah, Isaguna (Madaxweynuhu) Basaboor Somaliland ah oo aanu sharciyad u qaadan oo uu wato ayuu meesha ku yimi.”

Hase-yeeshee, waxa hadalladaa jawaab kulul ka bixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo sidoo kale TV-ga Horn Cable isla caawa waraystay. “Horta Madaxweynaha iyo Weftigiisu inay joogan Shiinaha maaha wax muran ku jira, waxa ka warramaysa Warbaahinta dunida oo dhan. Sidoo kale dawladda Itoobiya ayaa ka warramaysay. Maaha waxani wax qarsoon Wefti ay dawladdi leedahay oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Qaran maaha Shillin dhulka ku lumay oo sidiisa oo kale loo daydayo. Waa wax ay warbaahinta caalamkuna isha ku hayso oo dawladdii casuuntay iyo dadkii casuumay ay meel la joogaan.” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuse) oo ka jawaabayey dhalliisha Boqor Cismaan Buurmadaw u jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa safarka ku jooga dalka Shiinaha .

Afhayeenka Madaxtooyada oo la weydiiyey jiritaanka arrinta Boqor Buurmadow ku dhalliilay Xukuumadda oo uu tilmamay inay Madaxweynaha la socdaan siyaasiyiin aan bislayn ama aan dublamaysidda waxba ka garanayn, waxa uu Afhayeenku ku jawaabay; “Siyaasiyiinta uu ujeedaa waa Wasiirrada,  Xukuumaddanina waa labaatan iyo dheeraad Wasiir, markaa anigu cidda uu ujeedo garan maaye haddii uu leeyahay Maxamed Cabdillaahi Cumar nin aan ahayn siyaasi weyn oo rug-cadaya maaha, Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar waa ninka weyn ee Jaamacadaha dalka Ingiriiska Macallinka ka ahaa waa haddii uu ninkaa ujeedo. Haddii uu ujeedo labaatanka Wasiir wxii lagu xushay wuu garanayaa. Laakiin, waxaan ku sheegayaa Buurmadow waa nin weyn oo immika waa eedaysane  oo  Dacwaddiisu waxay taallaa Xeer-ilaalinta oo wuxuu galay dembiyo Qaran, waxa uu galay waxyaabo aan bani’aadamka  caadiga ahi isula dhicin. Marka uu shaqsiyada Madaxweynaha wax ka sheegay  Xukuumadda ayuu wax ka sheegay dadka ayuu qof qof ugu yidhi waa argagixiso. Marka uu waxaa leeyahay Boqorku waa nin diidaya horumarka dalka iyo dadka Somaliland.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.