Taliye-ku-xigeenkii Saldhiga Dekedda Berbera Oo Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Ugu Geeriyoodey Bam Lala Beegsaday Ciidanka Booliska Berbera

Hargeysa-(Berberanews)- Taliye-ku-xigeenkii ciidanka dekeda berbera Raage Jaamac Maxamed, ayaa galabta ugu geeriyoodey Cisbitaalka Guud ee Hargeysa dhaawac hallis ah oo ka soo gaadhay bamboo-gacmeed maalintii doraad ay la beegsadeen koox iskaraabka gurata oo ciidanku isku dayay inay joojiyaan.
 
Marxuum Raage Jaamac Maxamed waxa habeen hore laga soo qaaday cisbitaalka Berbera oo loo dhigay dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay bambada lala beegsaday unnug boolis ah oo uu hoggaaminayay, ka dib markii faliidhadii bambadu ka galeen uur-ku-jirta dhiigiina ku noqday, iyadoo cisbitaalka Berbera lagula tacaalayay wax-ka-qabashada xaaladiisa, balse markii danbe loo qaaday cisbitaalka Hargeysa oo uu galabta shantii ku geeriyoodey.
 
Sidoo kale dhacdadan lagu qarxiyay booliska waxa dhaawacyo ka soo gaadheen affar askari oo kale, kuwaasoo xaaladoodu fiicantahay, laguna dawaynayo cisbitaalka Berbera.
 
Waxay ahayd khamiistii doraad markii xaajiyad ciidanka boolisku weerartay saddex nin oo la sheegay inay hore uga tirsanaan jireen ciidanka Qaranka oo biro iskaraaba ka gurayay dulleedka haamaha shiidaalka Berbera uu mid ka mid ah saddexdaas nin bamboo-gacmeed ku weeraray ciidanka, halkaasoo ay ku dhaawacmeen shan askari oo uu ka mid yahay Taliye-xigeenka geeriyoodey Marxuum Raage Jaamac Maxamed.
 
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com