Gaadiidka waaweyn ee ka yimaadda Koonfurta Soomaaliya oo dhibaato culus kala kulma Buurta Sheekh iyo maamulka Degmada oo ka hadlay

Sheekh(Berberanews)- Gaadiidka waaweyn ee ka yimaadda waddanka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe si is-daba-joog ah ugu dhacaya ama qalibmaya Dawga Buurta Sheekh ee gobolka Saaxil, kuwaasoo u badan gaadiid ku cusub marista waddadaas oo dhib badan ku haysa Darawallada aan iyagu hore u isticmaali jirin marista jidkaas oo ah mid halis badan.

Illaa iyo Shan Baabuur oo laga leeyahay waddanka Soomaaliya ayaa muddo yar oo dhawr bilood ahku dhacay Buurta Sheek oo uu u danbeeyay gaadhi doraad ku dhaca, kuwaasoo hadhaagii qalfoofkoodu caqabad ku noqotay gaadiidka kale ee iyagu mara waddadaas. Baabuurta ayaa u badan nooca loo yaqaan (Candho-maydlaha) Waaraadka, qaarkood waxay ka shalwadaan Buurta halka qaar kalena ay jiifsadeen waddada dhexdeeda, taasoo sababta inuu istaago isu socodka gaadiidka u kala goosha Gobollada Bariga iyo Galbeedka Somaliland iyo weliba kuwa u gudbayey dhinaca Koonfurta.

Cusbitaalka magaalada Sheekh oo aan wali la furin ayaa inta badan dhibi kala kulantaa u gar-gaaridda dadka iyagu wax ku noqda Shilalkaas Gaadiidka kala duwan, maaddaama oo aanay jirin Ambalaasyo loogu gurmado dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha Baabuurta Buurtaas ku qallibma.
Maayar ku-xigeenka Degmada Sheekh Cabdi Cartan Xaaji- Abbokor oo Shebekadda Berberanews khadka telefoonka wax kaga weydiisay sababta gaadidka ka yimaadda koonfurta Soomaaliya dhicitaankoodu ugu badanyahay Buurta Sheekh, ayaa yidhi, “Gaadiidku markay raranyihiin ee Buurta ay ka dhaadhacayaan marka ay gaadhaan goobtii lagu dilay  Jihaad oo ah meel wareeg ah waxay gashadaan Geer culus oo (Gear two ah) , Gaadiidka waaweyni intaanay goobtaas soo gaadhin  ayay xagga sare ee Dawga ka soo gashadaan geerkaas, laakiin gaadiidkan waaweyn ee koonfurta ka yimaaddaa xagga sare kama soo gashadaan, taasaana inta badan sabab u ah dhicitaankooda. Gaadhiga oo geerka saddexad ku jiro ayay ku soo dhaadhacaan, dabadeedna markay is yidhaahdaan geerka labaad ku celiya ayaanay u suurtagelin.”
 
Khasaarihii ugu xummaa ee inta la ogyahay soo gaadhay gaadiidkan ka yimaada Koonfurta Somalia, ayaa ahayd 18 November 2009 markii baabuurta loo yaqaan Waaraadka Candho maydlaha oo siday labaatan Neef oo Geel ah oo uu ka soo qaaday Koonfurta Soomaliya, una waday Marsada Berbera oo ay ka dhoofayeen ku dhacay jidka buurta Sheekh, halkaasoo muddo todobaad ah uu bakhtiga geelaasi wadhnaa.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.