Rugta Ganacsiga Somaliland oo beenisay warar sheegaya in Wasaaradda Maaliyaddu Saddex Laab kordhisay Cashuurta Badeecadaha dalka yimaadda

Hargeysa(Berberanews):-  Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa beeniyey, isla markaana gaashaanka ku dhuftay warar Warbaahinta qaar faafiyeen oo sheegaya in Wasaaradda Maaliyaddu saddex laabtay Cashuuraha ay ka qaaddo qaar ka mida Badeecadaha Ganacsatadu kala soo degto Dekadda Berbera.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad, oo Arbacadii War-Saxaafadeed uu arrintaa kaga hadlayo soo saaray, ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin cashuur ay Rugta Ganacsigu ogtahay oo ay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ku kordhisay Badeecadaha lagala soo dego Dekadda Berbera.

War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Radio Hormuud ee Hargeysa, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “1- Sida Warbaahinta qaarkood ku soo baxday 10/08/2011-ka ma jirto cashuur Wasaaradda Maaliyaddu saddex laabtay oo Rugta Ganacsigu ogtahay, mana jirto cabasho arrintaasi ku saabsan oo Ganacsatadu u soo gudbiyeen Rugta.
2- Shirkii maalintii Salaasadii ee 9/8/2011-ka lagu qabtay xarunta Rugta Ganacsiga, ayna ku wada yeesheen Guddida fulinta ee Rugta iyo qaar ka mid ah Ganacsatada dalka, waxa lagaga wadahadlayay sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga dalka, loona xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda, Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatadaba. Arrintaasina si fiican baa la isula gartay.
3- Waxa kale oo laga wadahadlay in wixii tabasho ah ee ku yimaadda qeybaha kala duwan ee Ganacsiga ha noqoto cashuuraha ama adeegyada kale ee loo qabto, waxa la isla gartay in Ganacsatadu u soo gudbiyaan Rugta Ganacsiga, Rugtuna ka hawl gasho.”
 
Berberanews.com
Hargysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com