Mid kamid ah Aqoonyahanka Reer Saaxil Oo Habeenkii Xalay Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Dareenada Xaasaasiga ah Ku Gadaaman Xadhigiisa

Berbera, Aug. 12, 2011, (BerberaNews) – Dr. Maxamed Haybe Nuux oo kamid ah Aqoonyahanka Reer Saaxil ayaa Saqdii dhexe ee habeenkii xalay lagu soo xidhay Saldhiga dhexe ee Booliska Magaalada Berbera, kadib markii fiidkii hore ee isla xalay Booliska Degmada sheekh ka soo qabteen Magaalada Sheekh, kuwaas oo u soo dhaadhiciyey dhinaca Saldhiga dhexe ee Berbera.
Ma jiraan warar rasmi ah oo ilaa hada sheegaya sababta Xadhiga Maxamed Haybe oo ka soo baxay Saraakiisha Amaanka ee Heer Goboliyo heer Degmo midnaba, hase yeeshee Maxamed Haybe oo ay noo suurta gashay in aanu la xidhiidhno ayaa isagu ku tilmaamay xadhigiisa mid xaqdaro ah isla markaana aanay Boolisku u sheegin wax denbi ah balse iyaga uu amray in ay soo qabtaan Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) lada sida uu Maxamed haybe hadalkiisa u dhigay eh “ma ogi ilaa hada sababta xoriyadayda la iiga qaaday ee aan u xidhnahay xalay fiidkii ayaa la iga soo qabtay Magaalada sheekh markii aan weydiiyay Taliyaha Saldhiga Sheekh waxa lay haystona waxa uu iigu jawaabay “Maxamedow anaggu kuma haysano ee waa amar nagaga yimi dhica Gobolka” kadibna waxaan Taliyihii ku celiyey oo aan su’aalay yaa idin amray in la i soo xidho waxa uu iigu jawaabay “Taliska qaybta” laakiin cida ku haysataa waa Badhasaabka iminkana waanu ku gudbinaynaa dhinaca Berbera” sidaas ayaana la iigu soo dhaadhiciyey Berbera” ayuu yidhi Dr> Maxamed Haybe Nuux waxaanu intaasi Raaciyey Halkan (Saldhiga dhexe ee Berbera) markii la i keenay wax la i weydiiyey ma jirin OP-gana eeda lay haysto laguma qorin hase yeeshee waa la gaadhi xaqiiqada” ayuu yidhi Maxamed Haybe isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey “waxaan hayaa oo xadhigaygan hada ka hor aan helay Document qoraal ah oo laygaga beensheegayo iyada oo la leeyahay waxa uu maleegayey kacdoono ka dhan ah Marwada madaxweynaha xiligii ay socdaalka ku maraysay Magaalada Sheekh, taas oo aan si buuxda u soo bandhi doono cadaymahaasi marka la gaadho mana aha waxaan ka hadhi doono gefka uu igula kacay Badhsaaabku.” ayuu yidhiAqoonyahan Maxamed haybe.
in kasta oo uu Maxamed ku adkaystay in aanu xaqiiqada xadhigiisa ka danbeysa ogayn hadana waxa jira warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in Maxamed loo xidhay qandaraas la sheegay in ay siiyeen Gudiga qaban qaabada shirkii ay dhawaan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen Beesha Saaxil in ay ku yeelan Doonto Tuulada Dubur oo qiyaas dhowr iyo labaatan Km ah dhinaca koonfureed ka xigta Magaalada Sheekh, si kataba ha ahaatee Maxamed haybe Nuux oo ah Nin qunyar socod ah ayaa xadhigiisani dereen xaasaasi ah ka abuuray Magaalooyinka sheekh iyo Berbera isla markaana ay aad uga xumaadeen inta badan Dadweynaha ku dhaqan Degaanadaasi.