Madaxweynaha Suuriya oo Wasiirkii Gaashaandhiga xilkii ka qaaday mid cusubna magacaabay iyo Dilalka Ciidamadu wadaan oo sii kordhaya

W/wararka-(Berberanews)- Dalka Suuriya waxa wali ka sii socda rabshadaha iyo qulqulatooyinka u dhexeeya ciidamada milatariga ee dalkaas iyo xoogaga ku kacsan maamulka Madaxweyne Bashaar Al-Asad, taas oo marba marka ka danbaysa ka sii daraysa.
 
Inkastoo dalkaas ay soo waajahday cadaadis balaadhan oo kaga imanaya dunidda iyo gaar ahaan dalalka carabta haddana wararka dalkaas laga helayaa waxay sheegayaan in  xiisadihii ugu danbeeyay ay ku dhinteen 8-qof oo uu ku jiro nin dhinaca xuquuqda aadamaha iyo u dagaalanka dimuqraadiyada ku caan baxay oo dalkaas si wayn looga yaqaanayay kaas oo ciidamadda ammaanku maanta ku dileen magaalada Darca.

Dilka dadkan rayidka ah ee dalka Suuriya ayaa ku soo beegmay wakhti madaxweynaha dalkaas Bashaar Xaafid Al-asad uu maanta wasiir cusub u magacaabay wasaaradda Gaashandhiga waxaanu si deg deg ah uu xilkii ugu qaaday wasiirkiisi hore ee gaashaandhiga.
 
Inkastoo kooxaha mucaaridka ahii ay ku tilmaameen mid sii siyaadinaysa dhibta iyo xasuuqa ka taagan dalkaas, haddana dadka siyaasada dalkaas odorasa ayaa ku tilmaamay talaabo muhiim ah. Madaxweyne Bashaar Al-asad waxa uu wasiirka gaashaandhiga ee cusub u magacaabay, taliyihii ciidanka milatariga ee dalkaas Jen. Daa’uud Raajax.
 
Dadka ugu danbeeyay ee maanta ciidamadda qalabka sida ee dalkaasi laayeen ayaa lagu kala dilay magaalooyinka Darca iyo Dayr Al-Suur labadan magaalo oo dhawaan ciidamadda milatariga dalkaas oo wata taangiyo iyo hubka culculis gudaha u galeen waxa argagaxa sii xoogeeyay markii maanta qof u hadlay kooxaha kacdoonka wadaa uu sheegay in magaaladda Darca lagu dilay Macan Cawdaat, kaas oo xiliga la dilay ka qayb galayay aas loo samaynayay dad hore magaaladaas loogu dilay.
 
Kacdoonadda dadka Reer Suuriya ku diidan yihiin madaxweynahooda iyo maamulka dalkaas ka taliya ayaa galay bishii shanaad waxaana muuqata in aanay dunidu ahmiyad wayn u siin dhibaatada ka taagan dalkaas sida ta Libya oo kale, hasa yeeshee jimcihii ina dhaafay ayay dadka dalkaasi sameeyeen mudaharaadkii ugu waynaa abid ee lagu diidan yahay maamulka Bashaar Al-Asad kaas oo loogu magac daray Jimcihii “Illaahay baa inala Jira” wixii maalintaa ka danbeeyayna waxa soo xoogaysanayay eedaymaha iyo caaddaadiska dunidu ku hayso 
dalkaas.
 
Faysal  Maxamed Xasan