Masuulliyiin UDUB Ka Wada Tirsan Oo Soo Wada Saaray War-saxaafadeed Isku Mid ah Oo Midkasta Magaciisu Ku saxeexanyahay

Hargeysa-(Berberanews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa soo saaray war-saxaafadeed laba masuul oo xisbiga ka wada tirsan midba dhinaciisa ka soo saaray war-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay oo lagu magacaabay Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Cali Maxamed Waran-cade buuxinta jagadii uu ka geeriyoodey Marxuum Yuusuf Ciise Tallaabo ee Siyaasadda  Xisbiga UDUB.

War-saxaafadeedyada isku mid ah, hadana kala jiidashadu ka muuqato waxay ka soo kala baxeen Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ahna ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga UDUB oo uu ku magacaabay Cali Maxamed Waran-cadde inuu u magacaabay Xoghayaha siyaasadda  iyo ku-simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga  Cabdi Xaliim Maxamed Muuse oo isna dhankiisa ka soo saaray war-saxaafadeed uu isagu ku saxeexanyahay oo uu ku magacaabay Waran-cade.
 
 
War-saxaafadeedka ka soo baxay Axmed Yuusuf Yaasiin ee uu ku magacaabay Xogahayah siyaasadda, ayaa u dhignaa sidan.
Ref: UDUB/XGF/F-2-1153 Date: Aug 6, 2011
KU: K/S Xoghayaha Guud ee UDUB
KU: Guddi-Hoosaadyada Xisbiga UDUB
KU: Md. Cali Maxamed Warancadde
?
Ujeedo: Magacaabid Xilka Guddoomiyaha G/Siyaasadda
Mudanayaal,
Waxaan idin Ogeysiinayaa inaan u magacaabnay Md. Cali Maxamed Waracade maanta taariikhda kor ku xusan laga bilaabo inuu yahay Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Siyaasadda ee Xisbiga UDUB.
Waxaan kalsooni ku qabaa inuu hawshaa ku habboon yahay kaalinteedana ka soo bixi doono.Waxaan haddaba mudanayaal idinka rajaynayaa inaad xilkaa kula shaqaysaan.”
 
 
 
Sidoo kalena, Ku-simaha Xogyaha Guud ee UDUB Cabdi Xaliim Maxamed Muuse, ayaa dhinaciisa warbaahinta u soo gudbiyay war-saxaafadeed nuxur ahaan la mid ah kan hore, balse uu isagu ku saxeexanyahay, kaasoo u dhignaa sidan;
“KU: Warbaahinta kala duwan ee JSL
OG: Dhammaan Guddiyada, Xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB
Mudanayaal,
Waxaan idin ogaysiinayaa in maanta 06/08/11 uu K/S Guddoomiyaha Xisbiga UDUB u magacaabay Guddoomiyaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB  Md. Cali Maxamed Warancadde taas oo loo arkay inuu yahay Siyaasiga maanta jagadaa buuxin kara, waxaananan Ilaahay uga baryaynaa inuu ka midha dhaliyo doorka iyo kaalinta banaanayd ee baryahaaba xisbiga laga tabayay.”
 
War-saxafadeedyada ka soo baxay masuulliyiintan ka wada tirsan xisbiga UDUB eek ala jiidashadu ka muuqato, ayaa loo nisbayn karaa khilaaf huursan oo aan weli debeda u soo shaacbixin oo dhexmiranaya.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com