“Dad aan ku Habboonayn ayaa Xafiis kasta Agaasime Guud looga Dhigay…”Aqoonyahan Maxamed C/llaahi Ducaale

Hargeysa(Berberanews)– Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo oo ay uu buuxsantay inay sanad jirsato iyadoo ololihii doorashada ay jireen barnaamijyo iyo qorshayaal uu Xisbiga Kulmiye dadweynaha u soo bandhigay xilligii Ololaha Doorashada, Idaacadda VOA oo barnaamijkeeda Dooda gaaban ku qaadaa dhigtay waxyaabaha illaa hadda ka qabsoomay ku talla-galkii Xisbiga Kulmiye iyo waxa aan qabsoomin ayay u soo bandhigtay inay fikradahooda ka dhiibtaan Aqoonyahan Maxamed C/llaahi Ducaale iyo Axmed Yuusuf Ducaale (Dhigane) oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye, waxaanay u dhacday sidan :
Axmed Yuusuf Ducaale: Madaxweynuhu wuxuu diiday sidii Soomaalidu hore ugu maah-maahday hugaaguna uu kula baryo tagaa, inuu hanqalkii dowladaha iyo adduunyada ku arki lahayn oo dayac badani ka muuqday illaa kii sii hore ee uu ku sugnaa bal meel muraayad leh oo uu adduunka kula dheelo ee sheekada siyaasadda lagu sammeeyo uu u galay isagoo Madaxweynuhu shakhsiyan la kulmo Xog-hayihii Qaramada Midoobay, inuu calankii Somaliland ka dhex ciyaaray kana dhex babaday dowladaha aduunka ugu mudan uuna u dhexeeyay Sweden iyo Spain.
Maxamed C/llaahi Ducaale: Arrimahaasi uu tiriyay Axmed Dhigane waan kaga aragti duwanahay, marka ugu horaysay Dowladda waxa laga sugayay Haykalkii Dowladnimo ee Xukuumaddii hore ee jirtay kala daatay inay dib u habayn wayn ku sammayso, in la tayeeyo nidaamka shaqada iyo shaqaalaha Qoddobadaasi wali waa banaan yihiin, waxa kale oo loo ay ahayd in la tayeeyo Waxbarashada taasina ma muuqato, waxa kale oo jira in Siyaasadda Arrimaha Dibada in la jiheeyo oo qolodii horeba lagu dhaliili jiray wax badana ka khaldanaayeen ahaydna in la sammeeyo (national strategic foreign policy) la sammeeyo, waxyaabaha kale ee la filayay in la sammeeyo waxa ka mid ah shaqo abuuris.
Axmed Yuusuf Ducaale: Maanta Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu joogaa Chatham House-ka Ingiriiska oo ah meel lagu weedhaamiyo Siyaasadda Ingiriiska waxaa looga yeedhay dad badan oo Adduunka magac ku leh waxaana loogu yeedhay inay ka keenaan ra’yi Somaliland meesha ay ku taalo, waxa ay qabato, waxa ay Caalamka ku soo kordhisay, waxa aynu ka yeelayno in ra’yi deg-deg ah laga bixiyo, markaasi in Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda oo halkaas gaadhay in aynu isku canaanano waa dhaqankeena.
Maxamed C/llaahi Ducaale: Horta marka ugu horaysa shakhsi ma dhaliilayo, Wasiirkuna nin dhalinyaro ah oo dedaalaya ayuu u muuqdaa, laakiin marka Hay’adaha laga hadlayo waa in Istaraatijiyadiisu cadaataa. Chatham House-kana Dowladeenii hore ee Somaliland-ba waa lagu casuumi jiray Wasiirkii hore ee Khaarajiga C/llaahi Maxamed Ducaale waa lagu casuumi jiray shirar caalami ahna uu ka qayb gali jiray, dowladan imikana waa lagu casuumaa waa meel arrimahaasi lagu lafa guro.
Imika waxaynu u baahanahay Istaraatijiyad cad oo qoran oo gun-dhig ah lana arki karo halka ay ku socoto, wali intii ay Somaliland jirtay Shirweyne Qaran oo lagaga hadlayo muxuu yahay caqabadaha hortaagan Ictiraafka aynu raadinayo.
 
Axmed Yuusuf Ducaale: Maanta waxaynu ku foogan nahay wax-qabad dhibaatadii ina haysatay side ayaynu uga baxnaa, maanta lama odhan karo dowladan dhaliil looma soo qaadi karo, waayo Sakaaro inteeda waa ku duq, bal eeg Biriijkan cusub ee Hargeysa, bal eeg Mishiinadan labada ah Wakaalada Biyaha Hargeysi lagu soo kordhiyay, bal eeg Madaaradan loo sammeeyay Terminaalada, bal eeg Maxjarka kan inagu soo kordhay ee Xoolaha oo adhigeenii oo 36 dollar lagu iibsado 58 lagu iibsado imika, bale eeg wada dila, Giimbaartii burco ragaadisay ee laga bedelay,
Maxamed C/llaahi Ducaale: Qoddobo badan Axmed waan ku waafaqsanahay oo ay Dowladdu qabatay, Mashaariicduna waa laba waa kuwa socday iyo kuwo ay bilowday, kuwii socday Biriijka ayaa ka mid ah oo ay dhammaystirtay, kuwa ay bilowday lacagtii Giimbaarta ee Burco ayaa ka mid ah, laakiin Dowladdu Miisaaniyad ayay sammaysay illaa iyo imikana hoos u dhac ayay ku jirtaa, may gaadhin halkii loogu tallo-galay, waxyaabaha kale ee Dowlada lagu dhaliilo waxa ka mid ah marka laga hadlayo dadka shaqaalaha ah (Civil Servant) waa dadka aynu u naqaanay Agaasimayaasha Guud, Dowladdii cusbayd ee Madaxweyne Siilaanyo dhisay dadkaasoo kale ayaa qof aan ku habboonayn ayaa xafiis walba DG looga dhigay, waxaanad moodaa in imika Madaxweynuhu dib u habayn ku wado oo dadkii shaqaalaha dowladda ahaa dib loogu yeedhayo, markaa halkaas qudheeda dhaliil ay ku deg-degtay ayay ahayd.
Axmed Yuusuf Ducaale: horta maaha in aynu dhagax la dhacno maaha waxa jira, mudadu mar hadday kooban tahay oo ay tahay 5 sanadood aynu sugno, canaanta wakhtigeeda ha la gaadho, musuq-maasuqii ayaad ogtahay oo dagaal lagula jiraa wax ayaynu baran oo malafsi ayaynu baranay, Maamul wanaagii ayaynu meel u sammaynay, shaqaaluhu taas ayay soo galaysaa.
Maxamed C/llaahi Ducaale: lama odhan karo musuqmaasuqii waa la yareeyay, waxa laga yaabaa hanaankii dadkii hore u qaadan jireen in imikana hanaan kale ku baxdo, musuqu wali waa jiraa, ta kale anigu waxaan aaminsanahay hanta-dhowrka guud laftiisa ayaan lahaynba nidaamkii istaraatijiyadeed iyo siyaasadii uu ku shaqaynayay inay wax ka dhiman yihiin.