Sheekh: Diyaargarowga Tartanka Koobka Kubadda Cagta Ramadaan iyo Magacyada Kooxaha Ka qaybgelaya



Berberanews Sports):- Degmada Sheekh waxa ka socota qabanqaabada loogu gogol xaadhayo tartanka Koobk kubadda cagta Bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ka qaybgeli doonaan lix tiim oo ka dhisan Sheekh.
Koobkan oo ay soo qabanqaabadiisa iyo maalgelintiisaba ay wado shebekadda wararka internetka Berberanews.com, ayaa si weyn qabanqaabadiisa looga dareemayaa degmada Sheekh,halka kooxaha ka qayb gali doonana ku jiraan diyaar-garow ballaadhan oo mid kastaaba doonayo in guushu raacdo.
Tartanka koobkan waxa ka qaybgeli doona sided tiim oo ka dhisan degmada kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin sidan.
Dahabshiil
Dawlada Hoose
Nation link
Booliska
Telesom
Dariiqo
PYM
Kayd Fibre Glass.


Shebekadda Berberanews waxay Ramadaantii sannadkii hore ku qabteen degmada Sheekh koob kan la mid ah iyo sannadkii 2009 oo ay ku qabteen magaalada Berbera koob lagu xusay sannad-guuradii todobaad ee ka soo wareegtay geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Maamulka shebekadda Berberanews waxa uu dadweynaha iyo masuulliyiinta degmada Sheekh ka codsanaynaa inay si habsami  ah uga soo qaybgalaan mudada uu koobku soconayo oo ku kooban bisha Ramadaan.

.
Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports