Xoghayaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Munaasibad Sagootis ah Loogu Sammeeyay London

Birmingham-(Berberanews)-  Hoteelka Filfilo ee magaalada Birmingham ee London, ayaa xalay munaasibad sagootis ah loogu sammeeyay Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye  Mustafe Maxamed Yoonis (waxdad)
Xoghayaha oo dhawaanahanba ku sugnaa cariga Ingiriiska, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xoghayaha Magaalada Birmingham, iyadoo xaflada soo dhawayntiisana ay ka soo qaybgaleen ganacsato, culimo, siyaasiyiin iyo indheer-garad

Ganacsade Mustafe Adan Cali (Mustafe-Shanle) ayaa isagu kulankan sida heer sare ah loo soo agaasimay u qabatay , isla-markaana xafladaasi waxa lagu qabtay xaafada Sparkbrook  ee magaaladan Birmingham oo ay ka soo qayngaleen dad aad u tiro badani.
Kulanka waxay jaaliyadda Birmingham xogwaran kaga dhegaysteen Xogahe Mustafe Waxdad, waxaa furitaankii ka hadlay Ganacsade Mustafe Adan Shanle oo qado sharafta iyo kulankaba isku-dubaridkiisa lahaa oo u mahadnaqay jaaliyadda ka soo qaybgashay ee soo ajiibtay casuumadiisa.

Rashiid Xasan Shire oo ka mid ah mujaahidiintii SNM ayaa halkaa kaga sheekeeyay halgankii dib u xoraynta Somaliland oo uu sheegay inuu Mustafe Waxdad ka mid ahaa mujaahidiintii sida weyn uga qaybgalay.
Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Kulmiye ee Birmingham Cabdikhalaq Mohamed Sheikh osman nuur , ayaa u mahadnaqay dhamaan ka soo qaybgalayaashii xaflada iyo intii soo qabanqaabisay gaar ahaana Ganacsade Mustafe Adan Shanle oo isagu kaalin buuxda ka qaatay kulankan loo qabtay Xoghayaha G/dhexe Xisbiga Kulmiye. “Waxay ii tahay farxad gaara inaan ku soo dhaweeyo xoghayaha Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye Md. Mustafe maxamed Yoonis (mustafe waxdad), madaama aan ka soo wada jeedno Gobolka Saaxil.”
 
Ugu dambayntii waxaa lagu soo dhaweeyey Xoghayaha golaha dhexe xisbiga kulmiye Md, Mustafe Maxamed yoonis, ayaa u mahadceliyay qabanqaabiyayaasha xaflada sagootiska ah ee loo sammeeyayy waxaanu yidhi, “Waxaan aad ugu mahadnaqay dadkii xafladan quruxda badan soo abaabulay gaar ahaana ganacsade Mustafe Adan Shanle, sidoo kalena wuxuu mahadcelin u soo jeediyey dadweynihii xaflada ka soo qaybgalay.”
Xoghaye Mustafe waxa uu sheegay in muddadii yarayd ee xisbiga Kulmiye  joogeen ay keeneen isbedel iyo inay Somaaliland noqoto wadan nabada oo wanaagsan dhaqaalihiisu kobco, “Dadweynihii doortay Xisbiga Kulmiye isbedel doon ayey ahayeen , kaasoo ku xidhan  sida aan u  fulino  barnaamijkii aanu  u soo bandhignay, oo aad nagula xisaabtamaysaan sida aanu u fulino, waxaana aanu idiinku abaal gudi karnaa barnaamijkii aad nagu doorateen oo aanu fulino.” Ayuu yidhi.
 
Berberanews.com
Reported by Adan Yusuf
Edited by Berberanewseditor