Haweenay Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Lagu Toogtay Laascaanood



Laascaanood- (Berberanews)- wararka naga soo gaadhay magaalada Laascaanood, ayaa shaaca ka qaaday dilka haweenay ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, gaar ahaan qaybta baadhista dembiyada ee CID Gobolka Sool.
Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Sahra Cilmi koox dabley ah oo aan la aqoonsan, ayaa fiidkii afar xabo oo rasaasa fooda kala eegtay xilli ay ku sugnayd xaafadda ma-dareemin ee koonfurta magaalada Laascaanood.
Ma jirto cid loo qabtay falkan foosha xun ee lagu dilay Marxuumad Sahra Cilmi, haseyeeshee waxa dilkeeda lalal xidhiidhinayaa inay ka danbeeyaan kooxo rabshad-wadayaal ah oo sanadihii u danbeeyay falal toogasho iyo qaraxyo ah ku khaaraijiyay saraakiil ka tirsan ciidanka iyo maxkamadaha gobolka Sool.
 
Dilka haweenaydan lagula kacay waxa ka horraysay gabadh u dhaqdhaqaaqda nabadgelyada gobolka Sool oo horraantii bishan July ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo oo dhaawacyo hallis ah oo sababay in dhakhtar dibadeed loo qaadaa ka soo gaadheen.
 
Inkasta oo ay jireen shakhsiyaad xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ku riday xukunno kala duwan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka danbeeyaan falalka ammaan darada iyo qaraxyada isugu jira ee lagu laayay masuulliyiinta ciidanka, hadana intii xukuumadda Madaxweyne Silaanyo la wareegtay talada dalka waxa halkoodii ka sii socda dilalka qorshaysan, iyadoo aanay jirin cid ilaa hadda loo qabtay dilalkii ka dhacay Laascaanood intii xukuumadda cusubi xilka la wareegtatay, marka laga reebo Maayarka magaalada Laascaanood bishii hore loo qabtay inuu ka danbeeyo dhacdooyinka socda, balse la sii daayay.
 
Berberanews.com
Laascaanood
Email, info@berberanews.com