Nuxurka Heshiis cusub oo ay kala sexeexdeen Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa(Berberanews)- Dawkadaga Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo ku saabsan iskaashi ay ka yeelanayaan labada dawladood adkaynta iyo ka wada-shaqaynta dhinaca nabadgalyada.
Heeskaas ayaa ka dambeeyey kulammo ay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ku wada yeesheen Masuuliyiin labada dawladood ka kala socda, waxaana Somaliland ka socday Wasiirka arrimaha dibadda Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wefti uu hoggaaminayo, halka dhinaca Itoobiyana ay ka socdeen Wasiirka arrimaha dibadda dawladda Itoobiya iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Killalka Shanaad ee Itoobiya.
Sida lagu sheegay War qoraal ah oo caawa ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka waxa socdaalkan ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubbad,Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Maxamed Nuur Xirsi, Masuuliyiin iyo Diplomaasiyiin kale. Kuwaasoo maanta gelinkii dambe Caasimadda Hargeysa dib ugu soo laabtay.
Qoraalka War-Saxaafadeedkaa Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ka soo baxay waxa uu u dhignaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal Shaqo ku tegey dalka Ethiopia ayaa galabta (Khamiis 30 june, 2011) dib ugu soo laabtay Dalka.
Waxay shir qaatay labo maalmood kula yeesheen magaalada Diridhaba masuuliyiin ka tirsan dawlada Federaalka ee Ethiopa. Waxaana Arrimihii shirka lagaga hadlay ugu waawaynaa arrimo la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka labada dal oo isugu jiray dhinaca nabadgalyada, ganacsiga iyo socdaalka.
Socdaalkan waxaa Wasiirka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Bilayska Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Maxamed Nuur Xirsi, masuuliyiin iyo diplomaasiyiin kale.
Dhinaca Ethiopa waxaa wada hadaladan uga qayb galay wefti oo hogaaminayo Mudane Tsegaye Berhe, oo ah Wasiirka Xagga amniga qaabilsan oo ka tirsan dawlada Ethiopia ayna weheleniyeen, Taliyaha Guud ee Beri iyo K/Beri ee Ciidanka Milatariga Ethiopia, Major General Abraha W/Mariam, Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomalida ee Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Wakiilka Ethiopia u fadhiya Somaliland General Berhe Tesfaye.
Gunaanadkii Shirka Waxay labada Dal ee Federaalka Ethiopia iyo Jamhuuriyada Somaliland soo saareen heshiis laba geesood ah oo nuxurkiisu ka turjumayo sida ay labada dalba diyaarka ugu yihiin sii adkaynta iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexeysa labada dal ee jaarka ah. Waxaana qodobada heshiiska laga gaadhay ka mid ah arrimo si gaar ah u taabanayay Ilaalinta nabadgalyada, isku socodka labada geesood iyo iskaashiga iyo wada shaqaynta hawl-wadeenada xadka ee labada dal.
Heshiiskan waxaa dhinaca Ethiopia u saxeexay Mudane Tsegaye Berhe oo ah wasiir ka tirsan Golaha Wasiirada ee Dawlada Federaalka qaabilsanna arrimaha nabadgalayad, isla markaana ah la taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ee dhinaca Nabadgalyada, halka dhinaca Soomalilandna uu heshiiskaasi u saxeexay Dr. Maxamed C/lahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Waxaa kale oo munaasibada saxeexa heshiiskaasi goob-joog ka ahaa Madaxwaynaha Dawlada Degaanka Somalida ee Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.