Maxkamadda Gobolka Saaxil Oo Fasaxday Markab Ay Hore Ugu Xayirtay Dekedda Berbera

Berbera-(Berberanews)- Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa maanta sii daysay markab lagu magacaabo USL-1 oo muddo laba cisho ah ku xayirnaa dekedda, ka dib markii uu maxkammadda ka dacweeyay Ganacsade Cawil Cawil oo ku an-dacooday lacag uu markabkani ka dhacay.
Markabkan oo carafadii hore xoolo uu leeyahay Ganacsade Cawil Cawl ka qaaday dekedda Berbera, ayaa la sheegay inuu la baxsaday lacag dhan 91000 kun oo dollar, ka dibna markabkani markii uu bixiyay 30,000 oo ka mid ah daynka ganacsaduhu ku lahaa laga iibiyay dalka Djibouti, iyadoo baaqigii lagu leeyahay.
 
Ganacsade Cawil Cawl, ayaa markii markabkani todobaadkan ku soo xidhay marsada Berbera dacwad u gudbiyay maxkamadda Gobolka Saaxil oo iyaduna soo saartay ammarka xayiraaddiisa, ka dib markii la xaqiijiyay in markabkani yahay kii ganacsaduhu daynka ku lahaa oo laga bedelay magacii uu hore u lahaa ee Crosway, loona bixiyay USL.
 
Maamulka gobolka Saaxil, ayaa soo farageliyay siddii ay u furdaamin lahaayeen muranka cakirnaa ee ka dhex abuurmay Ganacsade Cawil Cawl iyo kooxda markabka wadatay oo iyagu ku dooday inay iibsadeen markabka, islamarkaana aan xaq loogu lahayn in la weydiiyo dayn hore loogu lahaa.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab iyo Maareeyaha Dekedda Berbera oo xubno ka ahaa guddidan furdaaminta khilaafaadka, ayaa ku guulaystay inay xal ka gaadhaan, iyagoo go’aamiyay in markabku bixiyo lacag dhan 25000 oo dollar, islamarkaana ganacsada Cawil ku qanciyay inuu ka tago inta hadhay, sidaana ay maxkammadu ku sii daysay markabkan oo geel u qaadayay dalka Masar.
 
 
Berberanews.com
Berberam Somaliland
Email, info@berberanews.com