Hargeysa oo Si Weyn looga Xusay Micraajka Nebiga(NNKHA)

Hargeysa (Berberanews)- Munaasibad  ballaadhan oo lagu xusaayey micraajka Nebigeena (NNKHA), ayaa maantalagu qabtay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada xuskan Nebiga oo ay ka soo qaybgaleen culima’udiin, salaadiin, xildhibaanno, aqoonyahan iyo Sheekh Cumar Aadan Dugsiiyo oo ah sheekh ka soo jeeda dalka Jabuuti, isla markaana ku caan ah qasiidooyinka Nebi ammaanka.

 

Guddoomiyaha ShirkadDa Gulf Patroilum oo ah shirkadda maalgelisay, soona qabanqaabisay xuskan Guleed Jaamac, ayaa   waxa uu si qoto dheer uga waramay qiimaha ay leedahay maalintani isga oo sheegay in ay muhiim tahay in xuska Micraajka la weyneeyo, maadaama ay qiime weyn u leedahay uamadda Islaamka.

Waxa si qotodheer uga warramay habeenka micraajka ee Nebiga la dheelmiyey Sheekh Ismaaciil Xasan oo isagu ku dheeraaday habeenkaas iyo fadliga u leeyahay, isagoo sheegay inuu yahay markii la soo waajibiyey salaadaha fadliga badan ee shanta ah, waxaannu sheekhu tilmaamay in sababihii ugu waaweynaa ee habeenka dheelminta keentay ay ahayd sannadkaas oo Nebi Maxamed (NNKHA) la kulmeen geeriyo farabadan. Waxa uu sheekhu si weyn ugu mahad-naqay dadkii ka soo qaybgalay munasibadaas.

Waxa kale oo munaasibadaas xuska Nebiga ka hadlay ganacsato, culima’udiin iyo aqoonyahano oo dhammaantood ku dheeraaday qiimaha ay leedahay maalintan dheelminta Rasuulka, waxa  isagu munaasibadaas door weyn ka qadanaayey Sheekh Cumar Aadan oo isagu halkaas ku soo bandhigay qasidooyinka uu ku caanka yahay ee Nebi ammaanka, kuwaas oo ay aad u jeclaysteen ka soo qaybgalayaasha munaasibadu.Waxa sidoo kale, munaasibad taas la mid ah oo haweenka u gaar ahi ka socotay isla hudheelkaas Crown.

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com