Warsaxaafaded :Guddida UK & Somaliland Diaspora Sports Development Group

 

Ujeedo Wergelin
 
KU:Saxafada Somaliland
KU:Wasiirska cusub  dhalinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland
KU:Agasimaha  Guud  Wasarada  dhalinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland
KU:Gudoomiyaha   Wakalaadda qurbajooga Somaliland
 
 
 
 
Taarikhdu markay ahayd bishi October 2011 waxaa shir isugu yimi magalo madaxda labaad ingiriiska Ee Birmingham  ururo dhalinyaro iyo shakhsiyaad la odhan karo waa intii ugu firfircoonayd bahda sportska Somaliland  waxanay ku samaysten urur  la magacbaxaY  UK & Somaliland Diaspora Sports  Development  group sidii ay gacan weyn uga geeysan lahayeen huru marinta sportska iyo dhalinyarada  Somaliland
 
Ururkan dhalinyarada oo ka kala socda UK, Canada iyo Norway ayaa isugu jira dad aad u khibrad badan oo ciyaraha in badan ku soo jirey
 
Hadaba dhalinyaradan isu tagtey oo aan aad ugu howlan iney waqtigooda iyo lacagtooda u huraan ayaa doonaya iney dad weynaha reer Somaliland meelkasta ha joogeen ee sidey uga qayb qaadan lahayeen kobcinta sports iyo kooxaha ka dhisan somaliland.
 
Dhalinyaradan ayaa waxay shirar ku qabten magaaloyin badan oo UK ah  sida Cardhiff ,Birmingham,London.Sheffeild  iyo dalka Norway  iyo Canada
 
Dhalinyaradan isku tagetey oo dooneysa iney geeyaan qalab iyo weliba 4 kooxood oo ka kala socda UK, Canada iyo Norway ayaa waxa kale oo ay ku hamiyaan iney kooxan iyo kuwa somaliland jooga ay ka qay qaadan doonan xulka qaranka somaliland,  waxaanay  kala shaqyn donan Wasarada sidi Somaliland u  lahan lahayd Xul kubada cagta iyo xulka kubada basketka   .
 
Dhalinyaradan ayaa waxay qar ka mida safar ku tagen Somaliland si ay ula kulman madaxda Wasarada iyo kooxaha ka jira wadanki . waxanay la kulmen Wasirka iyo Agaasimaha Guud iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada Cagta  .Dhamaantod way soo dhaweeyen .  dhalinyarada boqatay wadanka waxaa ka mida ahaa Sicid Maxamuud .Musse Xasan .Rasid Jamac Iyo Cabdixakin  oo  tababara soo siyay Kooxaha Somaliland ka dhisan gar ahaan waxay safar  ku tagen .Hargeysa iyo Burco  oo kooxaha ka jiray soo siyen tababar iyo qalab
 
Dhalinyaradan ayaa qorshahoodu ahaa inay bisha Julay 2011  tagan wadankii  .balse arintas ayaa sura geli wayday ka dib marki  ay yimaaden durufo  ay ka mid yihin
 
1- Garoonkii Stadiom Hargeysa oo dhiisme ka socdo
2- Ramaadanka oo  bisha 8aad ku began
3- Diyaaradihi oo sanadkan buxsamay
4- Jamac Adan (Karaiin) EIITE COACH   oo noo sheegay shir Oslo bishan kula yeshen xubna naga mida ka mid yihin Mubaarik Yusuf(Bidhi) inu bisha December 2011 safar ku imanayo Somaliland   .
 
 
Dhalinyaradan waxay rabaan iney kaxeeyaan kooxo kubada cagta bisha laba iyo tobaaan oo ay la soo ciyaaran Lixda  Gobol Somaliland  .
 
Waxaan  goaansany inanu nimaadno December 2011   hadi alla yidhaahdo .
 
Waxanan ogaysinayna inti hawsha nala waday in wakhtiiga insha alla anu imanayno
 
 
.
 
Waxa kale oo groupkani rabaa iney taba bar soo siiyan kooxaha ka dhisan wadanka  oo dhan .
 
Waxa barnaamijkan soo abaa buley 20 qof oo khibrad kuleh ciyaraha iyo tartanada kubada cagta. Waxana ciyaarahan ka gacan geeysan doona ururo iyo kooxo kubada cagta oo ka dhisan cariga ingriiska. Waxa kale oo ka qayqaadan doono ganacsiyo badan oo reer somaliland ah.
 
Waxa Ururku tahniyad u dirayaan wasiirska cusub  dhalinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Mudane  Cabdi Siicid Fahiiye, in ilahaay ku guuleysiiyo kordhinta sportska, waxa kale oo aanu mahadnaq u direyna wasiirkii hore ee sports   Axmed Madar oo qabtay mudadi uu joogay wax la taban karo annagana wada shaqayn fiican naga dhaxaysay oo si weyn u soo dhaweyey arintan aan wadno.
 
Waxa kale oo aanu mahadnaq wey u direynaa Agasimaha  Guud  Wasarada  dhalinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Mustafe Qodax oo  ah nin dhalinyara mujiyay waxqabda iyo dacadnimo . arintan  anu wadnana  aad u soo dhaweyey yidhi aad baan ugu farax sanahay barnaamijkan wax weyna wey ka bedeli doontaa anaguna waanu soo dhaweyneyna inshallah December 2011.
 
Sidoo kale waxanu u mahadnaqeyna   Gudoomiyaha   Wakalaadda qurbajooga Somaliland  Suleman Maxamed Farax  oo soo dhaweeyay barnamijkan
 
 
Magacyada Hoormoodka qaban qaabiyasha
Abdixakim Ibrahim (Cardif)
Dualeh Osman Dualeh (London)
Mubaarik Yousuf (Bidhi) (Birmingham)
Axmed Yassin Suleman(Birmingm/Norway
Muse Hassan Yousuf (Cardif)
Saeed Mohamood Soleman (Cardif)
Osman Hussien (London & B’ham)
Abdi Ismail     (B’ham)
Adam Hersi    (London)
Farax  (Xabuusho)
Adam Yare     (London)
Rashid Aden(dhere)   (London)
Abdirahman A Fiidar (London)
Yasin Farax Jees  (Sheffield)
Ahmed Waqaf (London)
Omar Mohamed (Canada)
Ali Maxamed Jama(Norway )
Sacad Yuusuf Xashi( Norway)
 
 
Mubaarik Yuusuf(Bidhi)
Email:bidhi69@hotmail.com