Berbera Oo Litir Shiidaal Ah Laga Waayay iyo Saammaynta Ay Ku Yeelan Karto Nolosha Dadka

Berbera-(Beberanews)- Magaalo-xeebeedda Berbera waxa soo food-saaray shiidaal la’aan, ka dib markiii xalay gaadiid tiro badan ku hungoobeen hal litir oo shiidaalka Patrolka ah inay  ka helaan kaammaha kala duwan ee shiidaalka.
 
Lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee keentay shiidaal la’aanta soo food-saartay kaalmaha shiidaalka Berbera oo haawanaya, iyadoo gudaha magaalada lagu arkayay gaadiid tiro badan oo shiidaal ka raadinaya kaalmaha magaalada, halka qaar ka mid ah baabuurtaasina ku goosteen suuqa badhtankiisa, ka dib markii uu shiidaalku ka dhammaaday.
 
Magaalada Berbera oo xiligan cimiladeedu kulushahay waxay hallis ugu jirtaa in boqollaal dadweyne ahi iskaga hayaamaan, haddii aan xal deg deg ah loo heli xaallada shiidaal la’aaneed ee soo food-saartay, maadaama nolosha dadku ku tiirsantahay isticmaalka laydh joogto ah iyo agabka qaboojiyayaasha ah ay kulayka iskaga difaacaan amma ku qaboojiyaan sharaabka iyo biyaha ay sida joogtada ah u isticmaalaan,
 
Shiidaal la’aanta ka taagan Berbera waxay cabsi xoog leh ku keentay dadweynaha reer Berbera oo xilligan ay weheel yihiin kulaylka xad- dhaafka ah ee ka taagan, gaar ahaan waxay arrintani si gaara u taaban doontaa wershadda laydhka Berbera oo shiidaal joogto ah u baahan, haddii ay weydana nolosha dadku hallis geli doonto.
 
Qaar ka mid ah kaalmaha shiidaalka oo shebekadda Berberanews wax ka weydiisy sababta shiidaal la’aanta keentay, ayaa sheegay inuu kala go’o ku yimi imaatinkii shiidaalka, balse ay filayaan inuu si dhakhso ah u soo gaadhayo maalmaha fooda innagu soo haya.
 
Agaasimaha Haamaha shiidaalka Berbera Dr. Shiine Cabdi Barkhadle oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiinno xaaladda shiidaal la’aanta ayaanay noo suurtagelin telefoonkiisa gacanta oo xidhnaa awgeed.
 
 
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland