Aqoonyahanka Jamaal Cali Xuseen oo lagu soo Dhaweeyey Hargeysa, Sheegayna inuu Siyaasadda ku Biirayo

Hargeysa  (Berberanews)- Madaxa baanka City Bank ee galbeedka Afrika, kana mid ah aqoonyahanka reer Somaliland Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey madaarka diyaaraha ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu ka hadlay hankiisa siyaasadeed.

Mr. Jamaal Cali Xuseen oo ay madaarka ku soo dhaweeyeen xildhibaanno, salaadiin iyo dhallinyaro badan, waxa uu sheegay inuu wado indho-indhayn iyo wadatashi ku saabsan inuu ku biiro xaydaabka siyaasadeed ee Somaliland.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay qolka nasashada ee madaarka waxa uu ugu mahadnaqay dadka soo dhaweeyey, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa ku soo laabto oo uu doonayo inuu horumarkiisa ka qaybqaato.
“Shacabka Somaliland aad baan u hambalyeynayaa sida wanaagsan ee ay nidaamkooda dimuqraadiyadda iyo nabadda u ilaashadaan, waxa kale oo aan hambalyeynayaa xukuumadda cusub iyo kuwii ka horreeyeyba waxqabadka ay sameeyeen. Waddankan Somaliland waxa uu ku soo caanomaalay nabad iyo dimuqraadiyad, runtiina horumarku marba meel buu u socdaa oo geedigii muu dhammaan hawl wayn ayaa ina sugaysa oo waddanka taal, dhallinyarda iyo dadka da’da wayniba waa inay ka qaybqaataan, aniguna intii aan ka ciyaari karo waan ka ciyaarayaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Mr. Jamaal waxa uu soo dhaweeyey go’aankii lagu furay ururrada siyaasadda, waxaannu yidhi; “Waa wax fiican isbeddelkii uu Madaxweynuhu maalintii dhawayd ku dhawaaqay ee uu u gudbiyey Baarlamanka ee ahaa in ururada la furayo oo ah mid aad u fiican oo furfuraysa siyaasadda oo fursad siinaysa dad badan oo aan ku jirin inay ka soo qaybgalaan oo ay waddanka wax ku taraan. Guddigii talo-bixinta ururradu shaqo wayn bay qabatay, waanan ku bogaadinayaan sida ay u dhabar-adaygeen iyo go’aanka ay qaateen, arrinta keliya ee anigu aanan ku raacin guddiga waxa weeye qodobka ay yidhaahdeen golayaasha degaanka ha la kala diro.”
Mar la waydiiyey Jamaal Cali Xuseen inuu doonayo inuu urur-siyaasad ama uu ku biiro xisbiyada jira waxay tidhi, “Anigu iminka casuumad baan ku imi ay dhallinyaro badani ii fidisay, indho-indhayn iyo wadatashina waan la samayn doonaa, madaxda xisbiyada kalena saaxiib baan la ahay, dadkana ayaan la wadatashanayaa markaa wixii ila gudboon ee aan dalka u qaban karo, waddankan dad baa u dhintay oo naftoodii u soo huray, halgankiina weli waynu ku jirnaa markaa halgankii dhaqaale ayeynu iminka gelaynaa waana kaan jecelahay in aan ka qaybqaato.”