Barlamaanka DMK Somalia Oo Aan U Kala Hadhin Ansixinta Raysal wasaaraha Cusub

Muqdisho(Berberanews) Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay maanta ku ansixiyeen Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya
Cabdi wali Max’ed Cali, iyadoo kulankii Barlamankana uu hadalo ka jeediyay madaxweyne Shariif, Kadib kulan maanta ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho 443 xildhibaan islamarkaanka uu shir gudoominayay gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa ay ku ansixiyeen Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay oo hadalo ka jeediyay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu ugu horeyn ka codsaday mudanayaasha Barlamanka in ay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub.
Intaasi kadib ayaa gudoomiyaha Barlamanka waxa uu qaaday codeynta ansixinta Ra’iisul wasaaraha iyadoo 4 xildhibaan ay diideen anxisinta Ra’iisul wasaaraha, 437 xildhibaana ay ansixisay halka 2 kalana ay ka aamuseen.
Markii lagu dhawaaqay in uu ansax yahay Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa halkaasi mar kale ka hadlay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed isagoo uga mahad celiyay mudanayaasha Barlamanka sida ay u ansixiyeen Ra’iisul wasaaraha.
Waxaa sidoo kale halkaasi hadal gaaban ka jeediyay Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida mudanayaasha Barlamanka ay codka kalsoonida u siiyeen, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono xaalada dalka.
Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa soo xidhay gudoomiyaha Barlamanak Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana uu sheegay in mudanayaasha barlamanka ay sii wadan doonaan fadhiyada Barlamank.
Raysalwasaarahan cusub ayaa noqonaya kii ugu kasbashada badna maadaama oo 437xildhibaan ansixiyeen codayntiisa.