Xukuumadda Oo Dawladaha Hoose Ka Jartay Lacagihii Kabka Ilaa Inta ay Keenayaan Xisaab-celin

Hargeysa- (Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inay joojisay bixinta lacago kab ah oo xukuumadda dhexe siin jirtay dawladaha hoose ee dalka, kuwaasoo loogu tallogalay in lagu fuliyo addeegyo horumarineed.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo xog-waran maanta siiyay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyay in xukuummadda cusub ee Madaxweyne Silaanyo ammar ku bixisay joojinta gebi ahaanba lacagihii kabka dawladaha hoose ee dalka, lagana dalbaday inay soo caddeeyaan lagacahaasi inay ku baxeen addeegyadii horumarineed ee loogu tallogalay.
 
Wasiir Gaboose oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi,  “Dawladaha hoose cashuuraha ay qaadaan ka sokow, waxa ay qaataan Lacag kab ah oo sharciyeysan ee hore u jirey, Wasaarrada Maaliyada ayaa ugu shubta Xisaabiyaha guud, maamulka cusubi waxa uu ku soo kordhiyey inaan loo sii dayn karin wixii hada ka dambeeya, waayo Horumarin ayaa loogu tallo-galay inay soo caddeeyaan wixii ay ku qabteen Lacagtaasi, laakiin sidoodii ayay xaq ugu leeyihiin. “
 
Wasiirku waxa uu ka hadlay dhibaatooyin ka haysta kala-xadaynta gobollada iyo degmooyinka si ay degmooyinku u noqdaan kuwo dhinac kasta iskaga filan. waxaannu yidhi,”Waad garan kartaan dareenka siyaasadeed ee ku gedaaman kala xadayntii degmooyinka oo u baahan Mashruuc aad culus oo ah inay degmadu yeelato xadkeeda, qorshaheeda ayaa ku jira, maamulkeeda ayaa ku jira oo jiritaankeeda ayaa ku jira, markaa wixii way isku dhex yaaceen, waxyaabaha aanu dalbanay ayey ka mid tahay in Xadkii loo sameeyo.”
 
Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa kale oo uu ka hadlay mashaariic malaayiin doolar ku kacayaan oo hay’adda Maraykanka u qaabilsan mucaawimooyinku ugu yaboohday Somaliland, islamarkaana mashaariic tijaabo ah loo sii daayay qaar ka mid ah dawladaha hoose ee dalka iyo wasaarrado iyo mashaariic kale oo Hay’adda UNDP ka fulisay Somaliland, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa jira Mashaariic Lix degmo  ah in degmo kasta la siiyo Lacag gaadhaysa Boqol kun oo doollar oo ay bixinayso Hay´ada UNDP, muraadka laga leeyahayna ay tahay in lagu tabbabaro in Maamulka loo daadajiyo xagga hoose oo Ummaddu ay barato baahideeda kuna soo kordhiyaan.
Wwaxa jira in markii ugu horaysay Hay’adda caawimada u qaabilsan Maraykanka ee USAID si toosa u caawinayaan Somaliland, oo ay siisay Lacag yar oo kooban oo Hordhac ah oo gaadhaysa ilaa Konton Bilyan, taasoo lagu eegayo inaanu wax qaban karno iyo in kale, markaa Wasaaradaheenu inta badan dhisme ayey wada codsadeen, Wasaarrada arrimaha gudaha xarun ayaa loo dhisayaa, Wasaarrada arrimaha gudaha xarun ayaa loo samaynayaa, waxa kale oo ku jirta Wasaarrada Qorshaynta Qaranka.”
 
Wasiir Gabboose waxa uu intaa raaciyay oo yidhi,“Xagga doorashooyinka waxa soo dhaw doorashadii Golaha deegaanka. arrinta dib u dejinta oo shalay [doraad]lagu dhawaaqay wax badan oo laga qabtay may jirin, qaxoonti kale oo soo xaroodayna ma jirin, iyaduna Qaxoontinnimada ayey ku noolayd waa Barakacayaasha.
Guddoomiye ku xigeenka Guddida joogtada ee Golaha wakiillada Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo kulankaas ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in la kulanka Masuuliyiintu uu ka mid yahay xogogaal u noqoshada hawlaha Qaranka.
Tallaabada xukuumaddu ku joojisay kabkii dawladaha hoose ee lagaga dalbaday inay soo caddeeyaan waxqabadkii lacagahaasi galeen waxay keenaysaa inay meesha ka baxdo musuqmaasuq iyo luunsi lacago fara babad oo ay caadaysteen qaar ka mid ah dawladaha hoose ee dalka, kuwaasoo qaarkood uu hanta-dhawrka qaranku ku helay, una qoolanyihiin masuulliyiin badan oo hadda qaarkood xidhanyihiin.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews