Shirkadda GULF Petrolium oo $3000 Dollar Ugu Deeqday Xarunta Agoomaha Burco

Hargeysa (Berberanews)- Shirkadda wadaniga ah ee Gulf Petroleum Trading Co. ayaa deeq lacageed ugu tabarucday dhismaha xarunta Agoomaha Magaalada Burco ee ay dhawaan dhagax dhigtay marwada koobaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina Weris).
Xaflad loogu talo galay wareejinta deeqdan lacageed oo qadarkeedu dhan yahay $ 3000 oo dollar (Saddex kun oo dollar) ayaa caawa lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Maareeyaha Madbacadda qaranka Mudane Cali Siciid Raygal, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaan Waabeeye, Xildhibaan Cali Xasan (Cali Mareexaan), agaasimaha xafiiska samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, masuuliyiinta shirkadda Gulf Petroleum iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Maareeyaha shirkadda Gulf Petroleum Mr. Maxamed Yuusuf oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Shirkadda Gulf Petroleum oo aad ogtihiin in ay dhawaan si fiican uga hawl gashay dalka, anaga oo ku gudo jirna habsami u socodsiinta hawlaha shirkadda ayaa waxa aanu warbaahinta ka go’aanay arrintan muhiimka ah ee aadka u qaaliga u ah ee ku saabsan xarunta agoomaha magaalada Burco, taas oo runtii noola muuqatay arrin iyo fursad qaali ah, sababtoo ah waxay inagu waajibisay laba qodob, kuwaas oo kala ah waajib Islaami ah iyo waajib muwaadinnimo ah ayay inagu waajibisay. Sidaa darteed waxaanu u aragnay fursad aanaan ka maqnaan karayn oo aanu taagtayadu waxay doonto ha ahaatee aanu ka geysano wixii aanu awoodayno sidii aanu uga qayb qaadano khayrkaa abaallka ku leh dhanka adduunka iyo dhankii aakhiraba.” Ayuu yidhi Maareeyaha shirkadda Gulf Petroleum Mr. Maxamed Yuusuf, isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaa raaciyay “Mudanayaal iyo marwooyin ummadina ma noqon karto mid kuw alaalowda qowmiyad, ummadina ma noqon karto haddii aanay nugulkeeda daryeelin, haddii aanay dayaca ka muuqda qaybo ka mid ah bulshadeeda aanay hoos u eegin. Waxaad ogaataan danteena, dalkeena iyo dawladdeenu waa isku mid, waxaa ina huran oo kaliya in aynu nolosheena horumarino.”

Sidoo kale waxaa iyaduna halkaasi ka hadashay Agaasimaha Xafiiska samofalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, iyada oo mahadnaq iyo bogaadin u soo jeedisay shirkaddan wadaniga ah ee Gulf Petroleum ee qaadhaanka lacageed ugu deeqday dhismaha xarunta agoomaha magaalada Burco.

Marwo Aamina waxa kale oo ay amaan iyo bogaadin u dirtay guddida horumarinta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay ku amaantay dedaalka  ay ugu jiraan waxqabadka iyo horumarinta magaalada iyo guud ahaanba gobolka, iyada oo xustay in ay guddidaasi hirgelisay waxqabad dhab ah oo la taaban karo.

Guddoomiyaha Shirkadda Gulf Petroleum Guuleed Jaamac Faarax oo isaguna madashaasi hadal ayaa ugu horayn u mahad naqay marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Weris oo uu ku tilmaamay in ay tahay shakhsiyad ku caan baxday arrimaha khayriga ah iyo u gargaarista dadka jilicsan, isla markaana qaadhaankan lacageed ee ay ugu deeqeen xarunta agoomaha Burco-na ay tahay tallaabo ay kaga daydeen Marwada.

“Anagu shirkad ahaan waxaanu jecelnahay arrimaha khayriga ah ee ka jira Somaliland in aanu wixii taagtayada ah ka geysano oo aanu ka qabano, markaa arrimahaas oo waajib muqadis ah oo diiniya ah, oo cid kasta oo Islaam ah ku waajib ah,  markaa waajibkaas wax ka mid ah ayuun baanu fulinaynaa, taasina tan ayay hordhac u tahay, markaa lacag yar oo qadarkeedu yahay $ 3000 oo dollar ayaanu ku wareejin doonaa Maareeyaha xafiiska samafalka Madaxtooyada, taas oo aanu u niyaysanayno dhismaha Xarunta agoomaha magaalada Burco.” Ayuu ydihi Guddoomiyaha shirkadda Gulf Pertoleum Mr. Guuleed Jaamac Faarax.


Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com