Wasiirka Gaashaandhiga iyo Madaxda Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah U Sammeeyey Saraakiil Waxbarasho Ku Soo Dhammaystay Itoobiya

Hargeysa (Berberanews)- Toddoba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhammaystay waxbarasho millatari, ayaa loo sameeyey xaflad si ballaadhan loogu soo dhaweeyey.
 
Casuumad qado-sharaf saraakiishaasi loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo saraakiil wehelinaysay, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo hoggaannada ciidanka, Taliyaha ciidammada Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, madax kale iyo marti sharaf kale.
 

Madaxa hoggaanka Tababarada Ciidanka Qaranka Axmed Cali Maxamed (Axmed-Tanzani) oo ugu horreyn munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay taariikhdii waxbarashada saraakiishani soo qaateen soo martay muddo laba sanno iyo toddoba bilood ah oo ay ku jireen kulliyad ciidammada Itoobiya leeyihiin.
Axmed Tanzani waxa uu u mahadnaqay dawladda Itoobiya oo uu ku ammaanay waxbarashada ay u fidiyeen Ciidanka Somaliland.
“Saraakiishani waxay ka soo qallinjabiyeen kulliyadda sare ee abaanduulka Itoobiya oo ah ducfadii u horreysay ee saraakiisha sare ee ciidanka difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Hoggaanka Tababarku.
 
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in saraakiishan oo ah kuwii ugu horreeyey ee u soo qallinjebiya Ciidanka Qaranka Somaliland.

“Waxa noo muuqatay in saraakiishii hore sii gaboobayaan, waxna dhimanayaan, waxa lagama maarmaan noqotay in saraakiil aqoon leh ciidanka loo abuuro oo kaalintaas buuxsi oo kala heer ah, kooxdani waa heerkii ugu sarreeyey, qaar kale oo iyaguna ilaa saddex sanno ah iyo kuwa shan sanno ahina way jiraan. Sidaas ayaanu doonaynaa in aannu ciidanka beddelkiisii u samayno oo aannu jiil cusub oo maskax iyo firfircooni cusub leh in aannu u abuurno,” ayuu yidhi Taliyuhu.
 
Taliye Nuux waxa uu sheegay in saraakiishani magac iyo sharaf wayn u soo hooyeen dalka Somaliland, isla markaana ay waxbarashoodii soo dhammaysteen iyagoo sharaf huwan.
 
“Saraakiishu maray sidan oo kale tagaan dalkale laba waa mid uun inay sharaf iyo karaamo iyo magac dalkooda u soo hooyaan iyo inay ceeb iyo magac xumo u soo joodaan labadaa waamid uun balse idinku waxaad dalka u soo jiideen sharaf iyo karfaamo,” ayuu yidhi.

Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr. Dibise oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey saraakiisha soo qallinjebisay, waxaannu yidhi, “Waxaan leeyahay saraakiisha kulliyadda Millatariga Itoobiya ka soo qallinjebiyey hambalyo, inkasta oo tiradoodu tahay 7 haddana waxaannu aaminsanahay inay soo saari karaan boqolaal iyaga oo kale ah. Kulliyada ay ka soo baxeen waa inta badan saraakiisha ugu tayada sarreysa dhinaca tababaradu ka qallinjabiyeen.”
Gebogabadii xafladaasi Wasiirka Gaashaandgigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku tilmaamay saraakiishaasi geesiyaal dalkooda aqoon u soo bartay oo anfici doona.
Mr. Cadami waxa uu kula dardaarmay saraakiishaasi inay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo ee  laga rabo, isla markaana ay waxbadan ku soo kordhiyaan hawlaha ciidanka Milatariga ee ay ka tirsan yihiin.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com