“Berberi Iyadoo 20-Kii Sano Xuquuqdeedii Ku Wayday Sodohnimo Xukuumada Kulmiye-na Aan Ka Helin Sadkeedii Ayuu Wasiirka Ganacsiga Ee Loo Xil Saaray Xalinta Mishkiladaha Laascaanood Uu Berbera Fawdo Ka Abuurayaa”

Hargeysa- (Berberanews) – Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha golaha wakiilada Siciid Cilmi Rooble ayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/risaaq Khaliif Axmed ku eedeeyay inuu magaalada Berbera ka wado fidmo iyo iska horkeen, doonayana inuu ka abuuro falal amaan darro oo la mid ah kuwa ka taagan magaalada Laascaanood, isagoo intaa ku daray in Wasiirka Ganacsigu qoraalo sharci daro ah kasoo daba saaray ogolaansho si ku meelgaadh ah ay guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Haamaha shidaalka Berbera ay u bixiyeen keenista shidaalka diyaaradaha, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aanay ummaddu aqbalaynin.
 
Siiciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu talaabo sharci oo degdega ka qaado Wasiirka Ganacsiga, isagookula dardaarmayna in aanay Berberi xuquuqdeedii saamiga xukuumadiisa ay ka filaysay aanay ka helin, kana digay in magaalada Berbera laga abuuro qalalaase iyo kacdoon shacbi.
 
Gudoomiyaha arrimaha gudaha wakiilada Siciid Cilmi Rooble waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu shalay ku siiyey Haatuf xarunta golaha wakiilada, oo uu sidoo kale ku sheegay in gobolka Saaxil oo dulmi tirsanayo aan saamigii ay xaqa u lahaayeen laga siinin ciidamo cusub oo ilaalada xeebaha loo qoray, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa u yidhi “Waxaan maanta ka hadlayaa arrin uu ku kacay wasiirka ganacsigu, aniga waxa la iga soo doortay gobolka Saaxil, waa gobolka ugu muhiimsan gobollada dalka waa xundhurtii Somaliland, waa mid u baahan in si weyn loo ilaaliyo, dawladihii hore xil gaar ah iskamay saari jirin, gaar ahaan xukuumadii Rayaale, Marxuum Cigaalna isagoo gobolka ka soo jeeday hadana waxa uu dhisayay isagu dalka dhan, laakiin xukuumadii Rayaale Berberi nabsi bax kamay helin, dawladan Axmed Siilaanyo waxaanu ka rajaynaynaa inay Berberi cawil celinteedii ka hesho, waa meel xaasaasiya oo dawladii timaadaaba looga baahan yahay inay ilaaliso”
 
Siciid Cilmi Rooble isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Waa kii dhawaan madaxweynuhu guddi u saaray Haamihii shidaalka ee shirkada Total, dabeetana si aanay diyaaradaha soo fadhiisanaya madaarka aanay shidaal la’aani ugu dhicin ayaa waxay guddidaasi si kumeelgaadh ah ugu ogolaadeen inay shidaalka diyaaradaha keenaan niman muwaadiniin ah, guddidaasi oo ka kooban gudoomiyaha guddiga qandaraasyada qaranka, agaasimaha guud ee ganacsiga, maareeyaha guud ee haamaha shidaalka iyo badhasaabka Saaxil, shidaalkaasi oo imika dalka soo gaadhay ayaa ninki wasiirka ganacsiga ee loo xil saaray xalinta mishkiladaha ka taagan magaalda Laascaanood ayaa ku kacay inuu mushkilad fowdo ah ka abuuro Berbera kadib markii uu warqad ka soo qoray Laascaanood uu leeyahay shidaalkaasi waxba kama jiraan, waxana keenaya shidaalka diyaaradaha qoladii madaarka Hargeysa keeni jirtay, waxaad moodaa inuu waiirkaasi Berbera ka abuurayo qarax iyo fawdo, sidaa darteed anigoo ku hadlaya wakiilnimada shacabka Berbera waxaanu uga digaynaa inuu wasiirkaasi ganacsigu si dhakhso ah warqadiisa ula noqdo, mana aqbalayno inuu dabka ka baxaya Laascaanood mid la mid ah ka abuuro Berbera, sidaa darteed waxaan madaxweynaha ugu baaqayaa inuu talaabo sharci oo degdeg ah ka qaado fidmooyinka uu ka abuurayo gobolka Saaxil, waxa kale oo aan kugula talinayaa inaad Berbera si gaar ah u ilaaliso, oo habdhaqanadii Udub aynu ku dhaliili jirnay wasiiradooda aanay ina muuqan oo aanay wasiiradu noqon niman si gaara u shaqaysanaya, iyadoo madaxweyne aanu ninkan wasiirka ganacsigu waxba ku lahayn halgankii tobanka sanadood ee Kulmiye, balse uu ahaa nin cir ka soo dhaca waa inaad talaabo sharci ka qaado ninkani dalka wuu qarxinayaaye. Waxa kale oo ka mid ah dambiyada uu hore u galay, iyadoo Kaluunkii Berbera iyo Laasqoray dalka buuxo ayuu fasaxay Kaluunkii Xamar laga keenayay, isagoo diidayna qoraaladii kaso baxay wasaaradaha maaliyada iyo kaluumaysiga oo uu yidhi Kaluunka dibadu waa fasax, sidaa darteed waa arrin uu caadaystay inuu qoraalo hay’adaha dawladda ka soo baxay qoraalo uu badhi furayo uu ka soo daba saaro”
 
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyay “Dawladaa dhan intifaaca nalaga siiyay waa la ogyahay, oo wasiirka ganacasiguna yidhaahdo yaan la noolaanin ummadu aqbali mayso, iyadoo labaatankaa sanno Berberi sodohnimo ku wayday xuquuqdeedii xukuumadda Kulmiyena aan ka helin sadkeedii, oo aan istaraatijiyadeeda wax qiimo ah lagu siinin, dalkan in la wada yeesho iyo in degmo kastaa waxeeda gaar u yeelato ayay cadaaladu ku jirtaa”
 
Gudoomiye Siciid Cilmi Rooble oo aanu waydiinay in talaabdani keeni karto gadood shacbi, waxa u yidhi “Iyadoo shacbigu tabaalaysan yahay haddii arrintana loogu daro gadood shacbi way keenaysaa, tanina qarax bay ku tahay qaranka Somaliland, xukuumaduna waa inay si dhakhso ah uga noqoto arrintan, waxyaabaha kale ee shacbiga Saaxil la yaabka ku noqday waxa ka mid ahdhawr boqol oo askari oo loo qorayay ciidamada ilaalada xeebaha, oo marka la eego gobolka Saaxil muhiim u yahay laga siiyay tiradii ugu yarayd  oo afartan askari ah, taas oo shacbiga Saaxilna argagax ku riday”