Wasiirka Waxbasrahada Oo Ka Hadashay Faddeexado Ka Dhashay Imtixaanno Jawaabahoodii La Qaybiyay iyo Jiritaanka Hadal-haynta Codsi Ay Ku Dalbatay In Shaqada Wasaaradad Laga Bedelo


Hargeysa-(Berberanews)- Wasiiradda Waxbarashada Somaliland Marwo Sam Sam Cabdi Aadan, ayaa faddeexado ka dhashay imtixaanno jawaabahoodii lagu qaybiyay qaar ka mid ah dugsiyada Awdal oo sababay rabshado ay sammeeyeen ardaydu, ka dib markii laga horjoogsaday inay galaan imtixaanka.
 
Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda waxa kale oo ay beenisay warar beryahan laysla dhexmarayay inay madaxweynaha u qortay codsi ay ku dalbatay in laga bedelo wasaaradda waxbarashada, ka dib markii hawsheedu ku ballaadhatay.
 
Wasiir Samsam oo ka hadlaysay dhacdadii rabshadaha dhalisay ee ardayda Awdal ku kaceen iyo asbaabihii keenay waxay tidhi, “Waxa jira xafiis imtixaanaadka ah si fiican u shaqeeya, dawlada cusubna aanay qof ka bedelin, waayo shahaadada xafiiskaas ka soo baxdaa waa mid lagu kalsoonyahay oo meolo badan muctarif ka ah oo wax dhaliila oo lagu helayna aanay jirin, markaa horta yaanay iskaga keen qaldamin imtixaanka fasalada afraad oo xafiiska imtixaannaadku saxo iyo  iyo kuwa sideedaad oo ah imtixaan ay dugsiyadu qaadaan oo iyagu saxaan, markaa rabshadihii taagnaa waxay ka dhasheen fasallada saddexaad oo jawaabaha uu u diyaariyo xafiiska imtixaanaadku.
“Imtixaanaadka ayaa iskuulada la geeyaa, jawaabtana markay imtixaanadu dhammaadaan ayaa macaliminta loo dhiibaa, markaa qaladka dhacay waxa weeye jawaabihii iyo imtixaankii baa la geeyay iskuulladii, dee markaa macalimiintu wada masuul maaha qaar baa faafiyay jawaabihii, markaa saddex maado ayuu qaladku ka dhacay oo halkii jawaabaha imtixaanka ka dib loo geyn lahaa, ayaa iskuulladii oo imtixaannadii ku jira la geeyay, markaa iskuuladiina waxay sammeeyeen inay jawaabihii ardaydii u sii sheegeen oo sidaa laysku wada gaadhsiiyey oo xataa markii danbe iib galay oo addeega ZAAD lacag laysugu soo diro si jawaabaha loo kala iibsado.” Ayay tidhi Wasiir samsam
Wasiiradu waxay intaa ku dartay inay ku guulaysteen joojinta rabshado doraad ka dhacay Awdal, “Annagu waxaanu amarnay inaan la joojin saddexda maado, waayo hadhow markay soo laabtaan waa lagu celin karaa inay mar kale galaan, meelaha qaarbaa laysku dayay in la joojiyo sida Awdal oo rabshado ka dhaceen, rabshadiina waxa dhammeeyay kooxda xafiiska imtixaanaadka oo haatan si habsamiya ayuu u socdaa, saddexdaa maadama marka imtixaanada laga soo noqdo ayaa dib looga qaadayaa.”
 
Wasiir samsam oo wax laga weydiiyay warar sheegaya inay dhawr jeer ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland inuu ka bedelo wasaaradda, ka dib markii ay u adkaysan weyday baaxadda shaqo ee wasaaradda, waxay ku jawaabtay oo tidhi,  “Wasaaradani sida ay u balaadhantahay, hadana waa meel wax laga qaban karo, waa meel mustaqbalkii wadanka ah, waana wasaarad heer fiican soo gaadhay oo u baahn in tayadeeda uun la sii hagaajiyo, caqabadaha naga hor yimi waa iskuulada bilaashka laga dhigay oo wax badani ka soo noqdeen. Anigu mudo badan waxaan ahaa macalimad, markaa hadaan ka shaqaynayo waa meeshaan ka shaqayn lahaa, oo aan aad u fahamsanahay qaladaadkiisa iyo waxyaabaha laga qaban karoba, ilama aha inaan marna idhi waan ka tanaasulayaa shaqada wasaaradda oo meel fiican maraysa.”
 
Marwo samsam waxay ka hadashay duruufo soo waajahay macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dawladda, markii la joojiyay kharashkii laga qaadi jiray ardayda, taasina ay saamayn ku yeelatay macalimiin iskuulo kala duwan ka hawlgeli jiray,”Duruufaha waxbarashada soo foodsaaray.”Waatan iskuuladii bilaashka laga dhigay waxay keentay macalimiin badan oo dhawr iskuul ka shaqayn jiray in qaarkood mushaharkii ka go’ay oo nidaamka dawladeed ma ogola in qofku laba meelood oo dawlada ah uu laba mushahar ka qaato, markaa tii baa ku yara adkaatay macalimiinta, laakiin khasab baanu kaga dhignay. Waxaana dhacday inaan macaliim badani arrintaa raali ka noqon oo ay ka xanaaqeen, markaa hadda macalimiin badan baa mushaharkoodii dib loogu celiyay dakhliga dawladda oo waa la wadaa arrintaa xalkeeda, kolay macaliminta way ku yartahay xataa haddii laba mushahar la siiyo.”
 
Wasiirka Waxbarashadu waxay sheegtay mudadii ay joogtay  inay meesha ka saartay macalimiin badan oo mushahar ka qaadan jiray wasaarada, balse aan wax shaqo ah u hayn oo qaarkood Yurub joogaan kuwo kalena ganacsiyo gaar ahaaneed ku foofeen.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com