Berbera: Tartanka Loolan Ee Loogu Jiro Keenista Shiidaalka Diyaarada Oo Cirka Isku Shareeray iyo Shixnadii u Horraysay Oo Maanta Uu Keenay Ganacsade Cawil Cawl

Berbera-(Berberanews)- Todobaadyadii u danbeeyay waxa isa soo tarayay shakhsiyaadka iyo shirkadaha loolanka ugu jira keenista shiidaalka cad ee diyaaraha oo gabaabsi noqday wixii ka danbeeyay intii xukuumaddu tirtirtay heshiiskii shirkada Total ay kula jirtay.
 
Gaasta cad oo ay isticmaalaan gaadiidka diyaaradaha ee isticmaala madaarka Berbera oo cabsi xoog leh ku haysay diyaaradaha Madaarka Berbera, ayaa tan iyo intii TOTAL la eryay waxa soo baxay ganacsato iyo shirkado loolan ugu jira sidi ay u heli lahaayeen liisanka keenista shiidaalka cad, kuwaasoo xukuumadu u gudbisay gudida qandaraasyada qaranku inay soo kala saaraan cidkasta oo hanqal-taagaysa.
 
Hadaba, iyada oo aan weli cidna la siin keenista shiidaalka cad, islamarkaana wer wer uu ka taagnaa haddii la waayo, ayaa maanta shixnadii u horaysay ee shiidaalka cad uu keenay ganacsade Cawil Cawl Cabdilaahi oo ka mid ah ganacsatada Somaliland uu keenay haamaha shiidaalka Berbera oo lagu shubay.

Ganacsade Cawil oo hadlay shiidaalka uu keenay ee diyaaradaha, ayaa sheegay Madaxda Gobolka saaxil  iyo gudidii loo xilsaaray haamaha shiidaalku inay ka dalbadeen in uu daboolo baahida loo qabo gaasta cad ee ay isticmaalaan diyaaraduhu inta ka horeysa tartanka ay geli doonaan shirkadaha Ganacsiga ee Somalilan oo ay qabanayaan gudida qandaraasyada qaranka oo loogu tartamayo cida keenaysa Gaastan.

Ganacsade Cawil waxa uu sheegay inuu daboolay baahi weyn oo loo qabay gaastan oo uu xusay ilaa intii ay xukumadu la wareegtay haamaha shiidaalka aan wax gaasa oo diyaaradeed Haamaha lagu shubin,  sidaa darteedna uu  dagdag uga dalbaday dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti saakana ay soo gaadheen Berberaoo shubistii  ay socoto.

Ganacasde Cawil Cawl  ugu bushaareeyay shirkadaha diyaaradaha ee Macaamisha laleh garoonka diyaaradaha Berbera ama garoomada kale ee dalka iyo cidkasta oo daneynaysa gaastan cad ee diyaaradaha in lagaga iibin doono qiime aad uga jaban qiimihii ay siin jirtay Shirkada Total. ”Marka hore waxan umahad celinayaa qoladiinan saxaafada ee manta halkan nagu soo booqatay, marka labaad waxan umhad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa iyo dhamaan Xukumada Somaliland waxa anaga nasoo wargalisay gudidii loo xilsaaray inay wax ka qabtaan baahiyaha haamaha waxaanay nagu wargaliyeen gudidaasi in uu kala go,anyay gaastii ay isticmaalaan diyaaraduhu ee loo yaqaan Oil Jet 1waxaanay gudidaasi naga codsadeen in aanu si dagdaga u keeno gaastaa diyaraadaha ee Oil Jet 1 Dabadeetana anaga oo kaabayna go,aankii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland amarkii Gudida Qaadanay ayaa waxa aanu markii dalbanay booyadihii keeni jiray waxaananu ka dalbanay halkii laga Dalban jiray oo ah dalka aynu Jaarka nahay ee Jabuuti waanad aragtaan oo waataa la shubayo booyadihii alxamdulilaa ta kale waxa iyana nagu dhiiri galiyay in aanu keeno gaastan gudida qandaraasyada qaranka oo iyana yidhi sii wada hawshaa keenista gaasta diyaaradaha hadhawna waxa Kamid noqonaysaan shirkadaha galaya tartanka loo yaqaan(Bidh)laakiin imika waxa aanu sii kifeynaynaa oo aanu qoraal ku haysanaa in aanu kala go,in gaasta diyaradaha ama aan laga waayin garoonka diyaaradaha ee berbera gaasta loo yaqaan nooceed Oil Jet1 waananu wadaynaa ilaa inta ay gudida Qandaraasyada qaranku qabanayaan tartankaa oo aanu ka qeybgali doono hadii ilaahay yidhaa.
 
Gaastan oo ay sideen booyado ka soo daabulay dalka Jabuuti  waxa saaka Shaqadoodu si habsamiya uga bilaabantay haamaha loogu tala galay  oo ku yaala Garoonka diyaaradaha ee Berbera dhexdiisa, waxaana halkaa hawsha shubida gaasta kawaday shaqaalaha u toobabaran shaqada shubida gaasta diyaradaha oo iyagu imika sitoosa uga mid noqday shaqaalaha Dawlada ee haamaha halka ay markii hore ahaayeen shaqaale shirkada Private ah waxaana shaqaalahaasi aad ugu qanacsanayeen shaqadan ay la bilaabayaa dawladooda iyaga oo sheegay in ay Shaqadooda sidii hore si lamida amaba ka sii fiican uwadan doonaan waxana la filayaa in inta tartanka Laqabanayo uu ganacsade Cawil Cawl Cabdilaahi.

Dhinaca kal shirkadaha diyaaradaha ee macaamilka laleh garoonka berbera ayaa iyaguna soo dhaweeyay ficilka wadaninimada leh ee uu muujiyay Ganacasade Cawil Cawl oo isagu si dhakhso ah uga soo gaadhsiiyay baahidii gaasta diyaaradaha ee ka taagneyd wiigan Garoonka diyaaradaha ee berbera iyaga oo ku tilmaamay ganacsade da.yar oo dadaal muuqda muujiyay Waxaanay intaa ku dareen oo ay iyana soo dhaweeyeen shirkadaha diyaaraduhu qiima dhimista uu ku dhawaaqay ganacasadaha Cawil Cawl ee ah qiima dhimista gaasta diyaaradah ee aad uga hooseya qiimihii ay siin jirtay shirkada Total Gaasta diyaaradaha oo uu manta ku dhawaaqay Cawil Cawl Cabdilaahi.
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com