Faahfaahin Ku Saabsan Dagaal Ka Dhacay Gambadha, Maxaabiis iyo Hub La Kala Qabsaday iyo Xaalladihii U Danbeeyay

Laascaanood-(Berberanews)- Ciidammada Qaranka Somaliland eek u sugan tuulada Gambadha oo 25 Km dhinaca bari kaga began magaalada Laascaanood, ayaa weerar ku qaaday maleeshiyo ka tirsan maamul-gobolleedka Puntland oo doonayay inay weerar gaadmo ah ku soo qaadaan fadhiisimmada ciidanka qaranku jiidaas ku leeyahay.
Sida ay shebekadda Berberanews u xaqiijiyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan Laascaanood oo aanu wax ka weydiinay dagaalkan, balse ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo waxay xaqiijiyeen in ciidanka qaranka Somaliland dagaal culus ku qaadeen maleeshiyadda Maamulka Puntland, ka dib markii ay afduubeen mid ka mid ah saraakiisha ciidanka qaranka oo ku socday qoyskiisa oo degan deegaanka Boocane, halkaasoo markii ciidanku ka war heleen ay guluf ku qaadeen maleeshiyada afduubtay sarkaalka oo aanay noo suurtagelin inaanu magaciisa helo.
Wararku waxay intaa ku dareen in ciidanka qaanku khasaare ba’an gaadhsiiyeen maleeshiyadda Puntland oo ay ka qabteen maxaabiis iyo hub tiro badan oo haatan la sheegayo in loo soo wado magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Illaa hadda ma jiro wax khasaare dhimasho iyo dhaawac toona ah oo soo gaadhay ciidanka qaranka ee deegaanka Gambadha, waxaannu warku intaa raaciyay in ciidanku ku guulaysteen inay soo furtaan sarkaalka ka tirsan ciidanka ee u gacangalay maleeshiyada.
Waxay ahayd dhammaadkii toodbaadkii tegay markii maleeshiyada Puntland weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidanka Somaliland ee deegaanka Gambadha, halkaasoo ay ku dhaawacmeen laba askari oo Somaliland ka tirsan.
 
Dagaalka oo bilaabmay gelinkii danbe ee maanta, ayaa socday mudo koban oo saacado ah, haatana xaaladu wey degantahay.
 
Berberanews.com
Laascaanood, Somaliland
Email, info@berberanews.com