Berbera: Xuska Sannad-guurada 20aad Ee Xoriyadda Somaliland iyo Muuqaalladii Xiisaha Lahaa

Berbera-(Berberanews)- Xuska Sannad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay Goonis-isu-taaga Somalilan, ayaa maanta si layaab leh oo aan abid ka hor dhicin loogu xusay magaalo-xeebeeda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Maamulka Gobolka Saaxil iyo kuwa Degmada Berbera oo ay hormood u yihiin Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Badhasaab-ku-xigeenka, Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maareeyaha Dekedda Axmed Yusuf Dirir,Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Cumar Abokor Jaamac, Xoghayaha Dawladda Hoose Cali Gadh-dheer, iyo isu-duwayaasha Wasaaradaha dawladda Berbera, ayaa hormood u ahaa kumannaan dadweyne ah oo saaka u soo baxay ka qaybgalka dabaaldega xuskan oo maanta ka bilaabmay dhammaan gobollada Somaliland. Sidoo kale waxa xuska reer Berbera kala qaybgalay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Calui Shire.

Isu-soo-baxa Magaalada Berbera oo ahaa kii ugu weynaa ee abid ka dhaca Berbera ee ay isugu soo baxaan dadweyne kumanaan kor u dhaafay, ayaa socod lug ah ka soo bilaabay afaafka laga soo galo Berbera ee laamiga ah, kuwaasoo isu jiray laamaha hay’adaha kala duwan oo qaybqayb u socday, islamarkaana hay’ad kasta iyo shaqaalaheeduba siteen boodh weyn oo ay ku muujinayeen ka qaybgalkooda xuska, sidoo kale waxa iyaguna dhex socday gaadiidka shirkadaha gaarka loo leeyahay sita calanka Somaliland iyo magaca shirkadaha.

Dadweynaha Oo Lugaynaya Badhtamahah Berbera

Dadweynaha saaka isugu soo baxay Berbera waxa wejiyadooda ka muuqday farxad iyo raynrayn, iyadoo dareenka dadweynuhu u ekaa maalin ciideed, waxay dadweynuhu iska salaamayeen erayo ay ka mid yihiin “Sannad-guuro wacan”.
Mid Ka Mid Ah Gaadiidka Dekedda Berbera Oo Calanka S/land Lagu Shaqlay

Masuulliyiinta Gobolka Saaxil, ayaa kumannaan dadweyne ah oo soo dhammaystay safar lugta ah oo ay ku soo mareen magaalada kula hadlay Fagaaraha Beera Xoriyadda Berbera, kuwaasoo ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab iyo Wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire oo dhammaantood shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga qaybgaleen xuska sannad-guurada 20aad ee Somaliland, iyagoo ka sheekeeyay qiimaha ay maalintani qaranka ugu fadhido.
Bidix:Xoghayaha Maayarka Mustafe Baashe iyo Agasimaha Maliyada Berbera Cawil Dheere


Bidix: Mareye-ku-xigeenka dekeda, Xoghayaha Gobolka, Badhasab-ku-xigenka,Xoghayaha D/Hoose, Isu-duwaha Wasarada Qorshaynta



Maareeyaha Dekedda Berbera Oo Calanka Somaliland Xidhay

La Soco Qaybta Danbe oo aanu ku soo qaadan doono muuqaalladii gaarka ahaa ee ku duugnaa dabaaldegyada ka dhacay Berbera oo ay ka mid tagay Dabaaldegiii Badda ka dhacay ee laashashka loo adeegsaday. Iyo awr lagu soo xidhay calanka Somaliland oo ka qaybgalay dabaaldega.
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com