Todobaadka Waxbarashada Adduunka Oo Berbera Laga Xusay

Berbera-(Berberanews)-Todobaadka waxbarashada Adduunka oo qayb ka ah Maalinta Waxbarashada Aduunka oo Sanad walba la xuso manta oo kale ayaa xalay Berbera si Wayn looga xusay .
Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ka dhacday Hoolka Ururka Dhalinyarada ee YOVENCO ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal ka midaAardayda wax ka barata Dugsiyada H/Dhexe ee Magaalada Berbera,Macalimiin,Masuul ka socday Haayada Save The Children,iyo Masuuliyiin ka socotay Ururka xafladan soo qaban qaabiyey ee SOLSA.

Waxaa ugu horayn halkaa ka hadlay Siciid Maxamed Ismaaciil(Amiir) oo sheegay in loo baahan yahay in la dhiiri galiyo Waxbarasha Da’yarta gaar ahaan Hanlaha oo iminka si fiican Iskuulada u Camiray loona baahan yahay in Waalidku ku dadaalo sidii ay Hablahu si hagar la’aan ah u gayn lahaayeen Goobaha Waxbarashada waxa kaloo oo uu Siciid Amiir aad ugu dhiiri galiyey Hablahii Goobtaa joogay in ay ku dadaalaan sidii ay Aqoontooda ilaa heer Jaamacadeed u wadan lahaayeen.
Masuul ka socday Haayada Save The Children oo Isna Munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in Maanta Adduunka oo dhan looga Dabaal degayo Maalinta ama todobaadka Waxbarashada Adduunka Ms,Magan waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo waxbarashadu in aanay dhamaanin.

Ardayda Dugsiga Cumar Binu Khadaab ayaa halkaa ku soo bandhigay Riwaayad ay aad ula dhacen dadkii Munaasibadan ka soo qayb galay kana turjumaysa sida hablaha dugsiyada looga reebo iyo sida ay hadhow Walidka u anfacaan..
Gebagabdii Munaasibadan ayaa waxaa soo gunaanaday oo halkaa ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Saaxil Siciid Jama waxaanu ka waramay oo uu ku dheeraaday faa’iidada ay waxbarashadu leedahay isaga oo u mahad naqay ururka soo qaban qaabiyey xafladan.
Munaasiban (Global Campaign For Education Week) ayaa Sanad Walba laga xusaa Dunida Gaar ahaan Soomaaliland/
Khadar Jama Xaashi
Berberanews
BerberalOffcie
dalmar0002@hotmail.com
info@berberanews.com