Hargeysa: Kulan Ku Saabsan Daryeelka Derbi-jiifka iyo Doorka Saxaafadda

Hargaysa (Berberaranews)- Ururka suxufiyiinta hablaha Somaliland ee Wija ayaa aqoon is waydaarsi ku saabsan sidii loo daryeeli lahaa caruurta darbi jiifka ah, isla markaana saxaafaddu ay door mug leh uga qaadan lahayd wacyigelinteeda ku qabtay Hoteelka Dalxiis ee Magaalada Hargaysa.
Aqoon is waydaarsigan oo socday muddo hal maalin ah ayaa waxa  ka qayb qaadanayay  xubno ka socday saxaafadda maxaliga ah, ururada rayidka ah ee  ku hawlan daryeelista ubudka darbi jiifka ah iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha bulshada iyo qoyska.
Xafladdii furitaanka doodaasi ayaa ugu horayn waxa hadal ka jeedisay agaasimaha ururka suxufiyiinta habalaha Somaliland ee Wija Marwo Fahmo Yuusuf Ciise, waxaanay faahfaahin ka bixisay ujeedada ay u qabteen kulankan aqoon is waydaarsiga ah, waxaanay sheegtay in muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay aqoon is waydaarsigani uu yahay sidii saxaafadda Somaliland door mug leh uga qaadan lahayd wacyi gelinta bulshada ee aadan sidii loo daryeeli ,lahaa caruurta darbi jiifka ah ee dhibaataysan.
 
“Mawduuceenani waxa uu maanta ka hadli doonaa arrimaha xuquuqda caruurta, gaar ahaan caruurta darbi jiifka ah. Caruur badan ayaa darbi jiif ah, waa caruur la mid ah caruuraheena aynu iskuulada u dirayno ee aynu marwalba garab taagannahay, ururada ka shaqeeya arrimhaasi aad ayay ugu mahadsan yihiin, laakiin waxaynu u baahanay in bulshada inteeda kalena ay ku baraarugaan wax u qabashada caruurtaas, isla markaana ay is garab taagaan ururada k u hawlan wax u qabashada caruurta.” Ayay tidhi Agaasimaha ururka Wija Marwo Fahma Yuusuf Ciise, iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay intaa ku dartay, “Waxkhigan waxaa darbi jiifka ku soo kordhay hablo iyaguna darbi jiif ah oo xabagta ku cabaya dariiqyad, waxaa la sheegayay hablo dhawaan caruuro ku dhalay suuqa oo caruurtii suuqa ku haysta iyaga oo xabagtii cabaya, arrintaas ayaa keentay in aanu aqoon is waydaarsigan maanta qabano si arrintaa wax looga qabt.”
Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda arrimaha bulshada iyo qoyska Marwo Aamina Aadan Cige ayaa iyaduna halkaasi ka hadashay waxaanay ka warantay duruufaha qalafsan ee haysta caruurta darbi jiifka ah ee dalka ku nool, iyada oo tilmaamtay in  labadii sanno ee ugu dambeeyay ay soo kordheen  hablo darbi jiif ah oo xabagtii cabaya.
Marwo Aamina waxa ay sheegtay in wasaarad ahaan ay u qorshaysan tahay in ay caruurtaasi darbi jiifka ah ku xareeyaan xarun loogu talo galay oo loo dhisay caruurtaas.
 
Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadashay marwo Faadumo Siciid oo ah guddoomiyaha ururka ODHA oo hir geliyay dhismaha xarunta cusub ee loogu talo galay in lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka ah, waxaanay sheegtay in dhibaatada haysta caruurtaasi haddii aan wax laga qaban ay fadeexad iyo ceeb ku tahay qaranka oo dhan, dhinacoodana urur ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan daryeelka iyo ilaalinta caruurtaas.
 
Marwo Luul Mataan Xasan oo ah agaasimaha xuquuqda caruurta ee ururka UDWA  oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ka warantay xarunta cusub ee loo dhisay daryeelka caruurta darbi jiifka ah, waxaanay sheegtay in goobtaasi loogu talo galay in dib u dejin loogu sameeyo dhamaan caruurta reer Somaliland ee u baahan xanaanaynta.