Caaqil Gaddooday Oo Rasaas Ooda Kaga Qaaday Goob Lagu Qorayay Ciidammada Ilaalada Xeebaha Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Berbera, -(Berberanews)- Ciidammada Booliska Berbera, ayaa xidhay Caaqil Cali Cismaan Samatar (Gawadh) oo ka mid ah cuqaasha Gobolka Saaxil, ka dib markii uu rasaas ooda kaga qaaday goob lagu qorayay ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland.
Caaqil Cali Cismaan Samatar, ayaa la sheegay inuu ka cadhooday dad beeshiisa ka tirsan oo la sheegay in loo diiday inay ka mid noqdaan ciidammada Badda oo qoristoodu xaalad kacsananaan ah ka abuurtay Gobolka Saaxil, ka dib markii qaar ka mid ah beelaha deegaanku ka biyo-diideen saami-qaybsiga ay ka heleen ciidammadan badda oo tobabar dibadeed loo qaadayo.
Weriye ka tirsan shebekadda Berberanews oo goobjoog ka ahaa rasaasta uu caaqilkasi ridayay, ayaa sheegay inuu ku warhelay caaqilka oo ka soo baxay Xarunta Ilaalada Xeebaha ee dhinaca Bari kaga dhegan dekedda Berbera, kaasoo hadba dhinac u ridayay qori uu sitay, isagoo ay ka muuqato cadho xoog leh, ka dibna uu isagoo qorigii ridaya la soo galay wadada laamiga ah ee gasha oo uu badhtameeda la istaagay qoriga oo rasaastu ka dhacaysato.
Weriyuhu waxa uu intaa raaciyay in qaar ka mid ah gaadiidka boolisku soo gaadheen goobta uu caaqilkani rasaasta ka ridayay, iyagoo isku dayay inay qaab maslaxadi ku jirto ugu qanciyaan inuu joojiyo rasaasta oo uu gaadhigabooliska raaco, haseyeeshee uu caaqilku ku gacan-saydhay oo qorigii ula dhaqaaqay dhinaca Hudheelka Yaxye, halkaasoo ay ku soo xoomeen dadweyne faro badan oo ku soo yaacay dhawaqa rasaasta.
Ciidammada booliska, ayaa iyagu iskaga tegay markii ay arkeen xaalada cadhada leh ee ka muuqata caaqilka, ka dibna uu caaqilku gaadhi Surf ah ka fuulay goobtaas oo uu iska tagay.
Haseyeeshee goor danbe ayaa la sheegay inuu  Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaa) ammar ku siiyay ciidamada boolisku inay xidhaan caaqil Cali Cismaan oo haatan ku xidhan Saldhiga dhexe ee Berbera.
Wixii warar ka soo kordha kala soco Berberanews