Deeq Dawladda Kuwait Ugu Talo-gashay Cisbitaalka Sheekh Oo Lagu Xannibay Madaarka Berbera iyo Badhasaabka Saaxil Oo Ka Hadlay

Berbera-(Berberanews)- Maamulka Madaarka Berbera, ayaa xannibay deeq agab caafimaad ah oo dawladda Kuwait ugu tallogashay cisbitaalja Degmada Sheekh oo uu dib u dhis ballaadhan ku sammeeyay Boqorka dalka Kuwait ee qasriga ka sammaystay Sheekh.
Deeqdan oo ay siday diyaarad khaasa oo ka soo qaaday dalka Kuwait ay shalay keentay Madaarka, ayaa loo diiday inay qaadaan gaadiidkii loo qoondeeyay inay u daabulaan Xarunta dhakhtarka ee Degmada Sheekh, halkaasoo ay ku xannibnayd muddo hal maalin ah.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay sababta keentay xannibaada agabka caafimaad ee dawladda Kuwait, haseyeeshee Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo la sheegay inuu amar ku bixiyay sii daynta deeqdan, ayaa shekebadda Berberanews maanta wax ka weydiisay sida wax u dhaceen, waxaannu arrintaa eedeeda dusha ka saaray hawlwadeeada maaliyadda ee ku sugan Madaarka oo uu sheegay inay suuqa iska galaan xilliyada shaqadu socot, isagoo arintaa ka hadlayan waxa uu yidhi, “Waa nasiib daro alaabtan waa la ogaa, wasaaradda maaliyaduna way soo qortay fasaxii laakiin qoladii maaliyadda ayaa madaarkiiba laga waayay, runtiina waa nasiib daro haysata dadka dawlada u shaqeeya, oo iyadii oo diyaaradi imanayso ayay suuqa iska qabteen, taasina waxay ahayd nasiib darro dhacday, waxaanan qabaa inaanu kala xisaabtami doono Wasaaradda Maaliyadda.”
Badhasaabku waxa uu hoosta ka xariiqay inay  dadweynaha rakaabka ah ee madaarka ka soo degaa mararka qaarkood dhibaatooyin kala kulmaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadad ee Madaarka, “Tan oo keliya may ahayne waxa dhacday in dad rakaaba oo garoonka ka soo degay la waayo cid ka qabata cashuurtii wasaaradda maaliyaddu xaqa ugu lahayd oo ay rakaabkuna aad ugu dhibaatoodeen aad baan uga xumahay.” ayuu yidhi
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com