Somaliland Oo Markii U Horraysay Madaxbannaani U Heshay Dhaqaalaha Hawadeeda Sare

Dawladda Somaliland, ayaa markii u horaysay taariikhda si madaxbannaan u heli doonta dhaqaalaha ka soo baxa hawada dalkii laysku odhan jiray Somalia oo tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dawladii Ziyaad Barre.
Sidaasi waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya, oo tafaasiil lagaga bixiyay nuxurka iyo natiijada ka soo baxday shirkaasi., waxaanu war saxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Berberanews uu u dhignaa sidan:-

“Wefti ka kooban sadex xubnood oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Muxumed Cabdi Caamir iyo Maxamed Xirsi oo maalintii Salaasadii soo gaadhay caasimada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay si rasmi ah uga qeyb galay shir heer sare ah oo lagaga arrinsanayay sida loo maamulo cashuuraha hawada sare ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen madaxda Hayadaha UNDP , ICAO iyo waliba shirkadii gacanta ku haysay maamulka hawada sare ee Somaliland iyo Soomaaliya todoba iyo tobankii sanadood ee u danbeysay ee CAUCUS. Shirka ayaa arbacadii ku furmay jawi aad u kulul kadib markii Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi uu gaashaanka ku dhuftay in wixii imika ka danbeeya aanay marnaba Somaliland aqbali doonin in ay u daba fadhiisato maamulka hawadeeda sare cid kale isla markaasna ku eedeeyey Ha’yada CACUS oo iyadu maamulaysay mudooyinkii u danbeeyay hawooyinka sare ee Somaliland iyo Soomaaliya ay lunsatay lacago badan.

Sidoo kale waxay Weftigii ka socday wasaarada duulista Somaliland iyo kuwii ka socday Somaliya intuba ku eedeeyeen shirkadaas (CACUS) in dakhliga sanad kasta oo dhan 6 Milyan oo dolarka maraykanka ay ugu tagri fasho si fool-xumo ah oo aan sharciga waafaqsanayn.
Tusaale ahaan 70% lacagtaasi waxay ku baxdaa mushaharooyin badankooda lagu cuno Nairobi iyadoo sadex la taliye oo kiiniyaan ahi gaar keligood u qaataan $571.350 Dollar sanadkii oo ay u dheer tahay kharashka habeen dhexa, taasi waxay keentay in madaaradii Somaliland iyo Soomaaliya ee loogu tallo galay in lagu horumariyo agabkooda aanay waxba gaadhin.
Guntii iyo gebogebadii shirkaas ayaa la isku raacay in wixii maanta ka danbeeya laga soo wareejiyo gacan ku haynta maamulka hawada sare ee ay ku keliyeysatay Ha’yada ICAO iyo shirkada CACUS oo la sameeyo guddi dhexe ‘Steering Committee’ oo ka kooban Ha’yadaha UNDP,ICAO,Somaliland Iyo Soomaaliya. Gudidan ayaa ka koobnaanaysa shan xubnood oo kala metela dalalka Somaliland , Soomaaliya iyo waliba Ha’yadaha UNDP Iyo ICAO , inkastoo ay Ha’yada ICAO soo jeediyeen in Hoggaanka gudidani ee joogtada ah noqoto dawlada TFG-da Soomaaliya, arinkaas waxaa gaashaanka u daruuray xunihii metelayay Somaliland kadibna waxaa la isku raacay in hogaanku noqdo wareegto oo waxaa kolba gudoomiye noqonaya qof kasoo jeeda Somaliland ama Soomaaliya.
Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu qaado Wasiir Duulista iyo Hawada Somaliland ah tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax banaanideeda sanadkii 1991kii, iyada oo wasiirradii xukuumadihii hore oo aad ugu taamayay aanay ku guuleysan inay si cad ula xisaabtamaan Ha;yadahan gacanta ku haya hawada sare ee Somaliland.

Shirkan ka qeyb galkiisu wuxuu ka turjumayaa siyaasada xukuumada cusub ee odhanaya in aan marbana Somaliland ka mid noqon shir lagaga arrinsanayo arrimaha siyaasadeed ee dawlad loogu dhisayo dalka Soomaaliya balse laga qeyb galo shirarka lagaga arrinsanyo arrimaha horumarinta ee ay gadh wadeenka ka yihiin beesha caalamku ama wax hore inooga dhexeeyey la inoogu qeybinayo.”

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com