Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom Oo Guddida Dib-u-dhiska Biriijka Labaad Ee Hargeysa Ku Abaal-mariyeen Shahaadada Darajada koowaad Ee Bixinta Qaadhaankii Biriijka Lagu Dhisay

Hargeysa-(Berberanews) – Shirkada Telesom oo ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta dalka kuwa ugu waaweyn ayaa abaal marin darajada koowaad (grade-A), lagu gudoonsiiyay doorkii ay ka qaadatay   qaadhaan bixintii dhismaha biriijka labaad ee Caasimadfa Hargeysa, oo dhawaan Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xadhiga ka jaray.

Shirkadda Telesom oo ay shahaadadan darajada koowaad guddoonsiiyeen guddida dib u dhiska biriijka labaad ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa la sheegay inay ku mutaysatay door laxaadle oo ay ka qaadatay kharashkii ku baxay dhismaha biriijka labaad oo in muddo ah go’naa isla-markaana dhismihiisu socday muddo dheer.

Gudoomiyaha Gudida dib- u-dhiska Biriijka labaad ee Caasimada Hargeysa, Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho), ayaa maanta gudoonsiiyay Shahaado sharafta darajada koowaad, iyadda oo uu shirkadda isgaadhsiinta Telesom u guddoomay Madaxa Xidhiidhka dadwaynaha ee Shirkada Telesom Cali Maxamed Saalax (Cajab), iyadda oo gudidu u aqoonsatay Telesom shirkadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo ku guulaysata abaal marinta dhismaha Biriijka labaad ee Caasimada Hargeysa, isaga oo guddoomiyuhu sheegay in taageerada Telesom ee dhismaha biriijka labaad ahayd mid hagar la’aan ah oo aan kala joogsi laheyn “Waxaanu uga mahad celiyay doorka muwaadinimo ee ay kaga qeyb qaateen dhismahaasi”ayuu yidhi Aaden Baradho, isaga oo shirkadaha kalena u soo jeediyey inay ku deydaan Telesom.

Madaxa xidhiidhka dadwaynaha ee shirkadda Telesom Cali Maxamed Saalax (Cajab) oo isna halkaa ka hadlay ayaa isaguna gudida ku bogaadiyay sida ay Shirkada Telesom u muujiyeen una cadeeyeen kaalintii ay ku laheyd dhismaha biriijka labaad ee Cassimada Hargeysa, isaga oo dhinaca kalena xusay in ay meel kasta oo dalka ah sidaa iyo si la mid ah uga qeyb qaataan waxyaabaha la xidhiidha Arimaha Bulshada.

Shirkadda Telesom oo ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta dalka kuwa ugu waawayn ayaa door muuqda kaga jirta ka qayb-qaadashada horumarinta dalka, iyadda oo sidoo kale gacan laxaadle ka geysata hawlaha bani-aadamino ee dalka soo food saara, sida abaaraha.