Oodweyne: Masiibo Danab oo sababtay dhimasho iyo dhaawac hal qoys

Oodweyne-(Berberanews)-Alle haw u naxariistee inta la xaqiijiyay hal qof oo ah hooyo ayaa ku geeriyootay 2 caruura oo ay dhashayna waxa soo gaadhay dhaawac ka dib markii danab uu ku haleelay caawa Degmada oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh.

Maydka marxuummada iyo dhaawaca caruurtaba waxaa la gaadhsiiyay cusbitaalka Oodweyne oo lagu dawaynayo dhaawaca carruurta.

Alle ha u naxariistee Marxuumadda dhimatay waxaa magaceeda lagu sheegay Nimco Maxamuud Muuse.

Agaasimaha Cusbitaalka Oodweyne Dr mustafe Maxamed Biixi, ayaa ka warbixiyay masiidabadan dabiiciga ah iyo xaaladda dhaawaca.

“Waxaa naloo keenay dad dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay raxmadii alle ee galabta da’day taasoo keentay in qoys meel u dhow degmada Oodweyne uu ku dhacay danab, danabkaas oo waxyeelo keenay. Waxyeeladaas oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Alle haw naxariisto hal qof ayaa ku dhintay oo ah hooyadii reerka, Ilaahay haw naxariisto. Waxaa dhaawaca oo cusbitaalka la keenay laba caruura oo ay iyadu dhashay. Labadaas oo mid uu miyir la’yahay”.