Madaxweyne Xasan: “Dagaalka Shabaab haku dhimanin adigoo aan iyaga ka mid ahayn,”

Muqdisho-(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka uga digay joogista meelaha ay ka dhow yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo sheegay inay badh-tilmaameed yihiin, isla markaana uu ku furan yahay nooc kasta oo dagaal ah.

“Dagaalka Shabaab haku dhimanin adigoo aan iyaga ka mid ahayn,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay gabagabada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Wuxuu ku celceliyay digniintan, isago xusay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu isugu jiri doono duqeyn, duullaan iyo dul-degis. Wuxuu yidhi “maxkamadahooda yaan la tagin ee beenbeenta ah… wacdigooda waa wacdi qaldan ee yaan loo tagin.”

Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada ayaa kulankoodii labaad ku soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Waxay soo-saareen war-murtiyeed faahfaahinaya qodobbada ka soo baxay shirkooda oo socday labo maalin.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran waxaa ka qayb galay Raysul wasaare Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo online-ka uga qeyb galay.

Qeybaha bulshada ayaa lagu dhiirrigeliyay “inay si dhab ah ugu istaagaan dadaallada la-dagaallanka argagixisada oo ay hormuud ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo dhammaan qeybaha kale ee ciidamada qalabka-sida”.

War-saxaafadeed ay shalay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay Al-Shabaab ka xoreeyeen 20 deegaan oo ku yaalla Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

Waxay intaa ku dartay in Al-Shabaab dagaalladii u dambeeyay looga dilay “in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogeyaal”.

Deegaannada lagu magacaabay war-saxaafadeedka ayaa kala ah Beer-gadiid, Bacda, Teedaan, Goobo, Baardheere, Tiroshanle iyo Coomaad oo gobolka Hiiraan ah, Cadakibir, Maarsagame, Dhuumoodle iyo Cali-Waliid oo Galguduud ah, iyo Madabuun, Ceel-la-helay, Makiini, Hibaaq-daranle, Iskire, Qanyarey, Boorami, Baaqay iyo Kaayow oo Koonfur-galbeed ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan “inuu ku jiro dareenkaas” [la-dagaallanka Al-Shabaab], isla markaana ay bogaadinayaan, kuna dhiirrigelinayaan in lagu sii socdo.

“Dowladdana wax ay kari karto oo ay qaban karto oo ay ka reebaneyso ma leh, maanta in nimankaan nabad-diidka ah dalka laga xoreeyo,” ayuu sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in meelaha ay dadka macluusha ugu dhimanayaan ay yihiin deegaannada ay haysato Al-Shabaab.

“Dadkeenna si aan macluusha uga badbaadinno aan ka xoreyno nimankaas si aan u gaari karno oo aan ugu gayn karno wixii ay ku badbaadi lahaayeen,” ayuu yiri madaxweynaha.

Arrimaha abaaraha iyo macluusha laga digay ayuu sidoo kale Goluhu ku xusay war-murtiyeedkiisa. Wuxuu sheegay in abaarihii daba-dheeraaday ay xaalad adag geliyeen degmooyinka qaar, sidaas daraaddeed ay dardargelin doonaan howlaha badbaadinta dadka tabaaleysan.

Goluhu wuxuu shacabka u soo jeediyay in ay si buuxda isugu gurmadaan, isagoo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliyana ka codsaday inay laba-jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

@Bbc Somalia