Madaxwayne Biixi oo caddeeyey nooca xisbiyada ku tartami doona doorashada Madaxtooyada

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay in saddexda xisbi ee ka soo dhex baxa doorashada ururrada siyaasadda ay ku tartami doonaan doorashada madaxweynaha ee soo socota.
Madaxwayne Biixi ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu dhaariyey maanta xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka oo uu Golaha Wakiillada Somaliland meel-mariyey shalay.