Xog ku saabsan nuxurka heshiiska xukuumadda iyo Xisbiyada Somaliland

Qaar ka mid Guddida ganacsatada ee isu xilqaamay dhexdhexaadinta khilaafka cakiran ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa ku guulaysatay inay dhinacyada   siyaasadda ku qanciyaan isku soo dhowaansho iyo heshiis xal u noqon kara muranka ka taagan doorashooyinka.

Qodobadda heshiiska cusub oo ay sal u qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo la isku sidkay, waxa ka mid ah:

1- In saddexda musharrax madaxweyne ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI ay ku tartamaan tartama doorashada madaxtooyada oo loo qoondeeyey bisha November ee sannadka 2023, taas oo ka dhigan muddo-kordhin hal sanno ah oo loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi
2-In ururrada siyaasadda oo ay ka mid yihiin xisbiyada haatan jira galaan doorasaho toos ah, taas oo isku maalin la dhacyasa ta madaxtoyada, saddexda xisbi qaranna ku soo baxaan
3-In heshiiska ergada la mariyo goleyaasha Baarlamaanka si looga dhigo sharci qeexaya arrimaha laysku raacay.
FIIRO GAAR AH
Weli si rasmi ah looma shaacin heshiiskan, laakiin waxa la filayaa in lagu dhawaaqo maalinta Khamiista.