Ethiopia: Kumanaan qaxoontiga Tigreega ah oo dub loogu celinayo Gobolkoodii

Tigray-(Berberanews)-Kumanaan ka tirsan qowmiyadda Tigrayga oo tan iyo bishii December ku xidhnaa xeryo ku yaalla waqooyi bari Itoobiya ayaa dib loogu celinayaa guryahooda.

Qaramada Midoobay ayaa u fududaynaysa in ay dib ugu laabtaan guryahoodii oo ku dhow xadka ay wadaagaan gobollada Canfarta iyo Tigrayga.

Waxa ay sheegtay in howlgalka uu socon doono muddo todobaad ah.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in loo qaaday xeryaha si ammaankooda loo ilaaliyo, maadaama dadka rayidka ah ay nuglaayeen.

Balse hay’adda xuquuqul insaanka ee Itoobiya ee ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in loo beegsaday isirkooda darteed, waxayna ku tilmaantay xadhigga ilaa 9,000 oo qof oo Tigray ah mid sharci darro ah.

Soo laabashadooda ayaa imaanaysa iyadoo rajada laga qabo wadahadal nabadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ay u muuqato inay soo dhawaatay.