Shiinaha oo tallaabo millatari ugu hanjabay Maraykanka

Beijing — (Berberanews)-Dawladda Shiinaha ayaa ku hanjabtay  in aannu millitarigeedu iska fadhiyi doonin, tallaabo degdeg ahna qaadi doonaan haddii Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Mr. Zhao Lijian oo shir-jaraa’id ku qabtay caasimadda Beijing maanta, ayaa si adag uga digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka Mareykanku booqato Jasiiradda Taiwan.
“Maadaama Pelosi ay tahay mas’uulka saddexaad ee ugu sarreeya dawladda Maraykanka, isla markaana booqasho ku tagta Taiwan, arrintaasi waxay noqon doontaa farogelin weyn oo lagu sameeyey arrimaha gudaha China,” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga ee Shiinaha.
Mr Zhai waxa uu ku hanjabay in taasi keeni doonto “cawaaqib iyo xaalad cusub oo aad u daran.”
Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi oo ay wehelinayaan xubno dhowr ah oo ka tirsan Congress-ka, ayaa dalka Singapore ka bilowday maanta booqasho ay ku mareyso waddamo dhowr ah oo ku yaal qaaradda Asia, waxana jirta saadaal muujinaysa suurtogalnimada inay tegi karto Taiwan.
“Dawladda Shiinuhu waxay xaqiiqdii qaadi doontaa tallaabooyin adag oo jawaab ah si ay u difaacdo qarannimadeeda iyo madax-bannaanieeda dhuleed. Marka ay noqoto waxay noqon karaan tallaabooyinkaas, haddii ay ku dhiirrato inay tagto, markaas aan sugno oo aragno,” ayuu yidhi Zhao.
Booqashada suurtogalka ah ee Pelosi – oo weli aannu xaqiijin xafiiskeeda – ayaa xiisad ku kicisay maamulka Biden, oo ka cabsi qaba in safarka uu ka gudbo khadka cas ee Shiinaha.
Toddobaadkii tegay Biden ayaa sheegay in millatariga Mareykanku rumaysan yihiin in booqashada Pelosi “aanay ahayn fikrad wanaagsan xilligan.”
Taiwan ayaa waxay si joogto ah ugu nooshahay hanjabaad ah inay awood millatari ku qabsan karto China oo u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda.
Pelosi ayaa toddobaadkii hore weriyayaasha u sheegtay “inay muhiim tahay inay taageero u muujiyaan Taiwan,” balse waxay beenisay in Congress-ka uu isku dayayo inuu dal madaxbannaan u aqoonsado jasiiraddan.